Madaxtooyada Oo Aan Weli Soo Bandhigin Cabbirka Dhulka Imaaraadka Lagu Wareejin Doono Iyo Shacabka Ka Wawarsan In 70Km Oo Dhulkooda ah Lala Wareegi Doono
Mashruuca Berbera Corridor Oo Hore Ugu Jirey Heshiiskii DPWorld Oo Haataana Xukuumaddu Ku Sheegtay Ubacda Ujeeddada Loo Wareejinayo Saldhigga Berbera
Hargeysa:(Hubaal:(Hubaal)-Waxa dibadda usoo baxay fashil cusub oo dul hoganaya qoraalladii madaxtooyadu shalay labada gole hor keentay ee lagu sheegay inay yihiin nuxurka heshiiska xukuumaddu doonayso inay la gasho dawladda Imaaraada Carabta.
Qoddobada aadka u kooban ee labada gole laga ansixiyey, ayaa gol daloolooyinka ugu waaweyn ee ishu qabanyso waxa ugu horreeya inaan la sheegin cabbirka dhulka la siiyey ciidamada ka socda dawladda Imaaraadka Carabta oo iyadu bulshada muhiim u ahayd, maadaama la isla dhexmarayo cabirro kala duwan oo uu dhulkaasi yeelan doono.
Dhibaatada kale laga dhex arki karo heshiiska labada gole la horkeenay, ayaa ah inaan dadka loo sheegin qaddarka lacagta ah ee lagu kireeyey buqcaddaas, balse waxa kooxda heshiiska tuurta ku sidataa sheegeen in mashaariic uun lagu beddeshay saldhigaas la bixiyey.
Iyada oo aanay weli xukuumaddu sheegin wax lacag ah oo saldhigaas lagu kireeyey, isla-markaana aan bulshaa loo bandhigin cabbirka uu dhulkaasi yeelan doono, ayaa qoddobadan soo socda lagu sheegay in lagu beddelay saldhiggaas:
1.Mashaariic horumarineed: kuwaas oo kala ah
- Dhismaha Berbera ilaa Wajaale
- Dhismaha madaar cusub oo laga hirgeliyo magaalada Berbera
- Fulinta iyo hirlgelinta mashaariic kor loogu qaadayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, Tamarta iyo biyaha, mudnaan gaar ahna waxa la siinayaa sidii magaalada Berbera looga hirgelin lahaa koronto jaban.
2.Abuurista fursado shaqo:Dawladda isu tagga Imaaraadka carabtu waxa ay mudnaan iyo tixgelin gaar ah siinaysaa muwaadiniinta da’yarta xirfadleyaasha ah ee u dhashay Somaliland fursado ay kaga shaqeeyaan dalkooda muddada heshiisku dhaqan-galka yahay.