Nuxurka Farriin Uu Xildhibaan reer  Gabiley  Ahi U  Diray Wasiiradda Maalliyada

0
44

Gabiley (Hubaal)- Xildhibaan Cabdicasiis Cabdillaahi Ismaaciil Oo kamid ah Mudanayaasha golaha Deegaanka Ee degmadda Gabiley ayaa Qoraal uu soo saaray kaga hadlay qoddobo uu sheegay in ay dabar ku yihiin hab sami u socodka maamulka dawladda hoose iyo adeega bulshada. Xildhibaankan oo qoraal kooban oo uu xalay soo saaray soo gaadhsiiyey wargeyska HUBAAL waxa uu baaq u diray wasiiradda wasaaradda maalliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo uu sheegay in ay gole ahaan iyo degmo ahaanba u hanweyn yihiin, sidaas darteedna ay maarayso caqabad ka dhan ah geedi socodka shaqada cashuurta ee dawladda hoose iyo ta cashuuraha berrigaba. Waxa wasiirrada ka codsaday in ay shaqada ka joojiso isla markaana la xisaabtanto shakhsiyaad uu sheegay in ay ku xidhiidhsan yihiin eedo musuqmaasuq kuwaas oo weli ka sii shaqaynaya  gabiley. Dhinaca kale waxa uu xukuumadda ugu baaqay in laga beddelo xog hayaha dawladda hoose ee Gabiley. Qoraalka uu soo saaray xildhibaan Cabdicasiis Cabdillaahi Ismaaciil waxa uu u dhignaa sidan:

xildhibaan cabdi casiis“Wax aan halkan ka cadaynayaa in dawlada hoose ee Gabiley ay hadhaysay ceeryaan musuq maasuq oo aan la qaadan karayn waxaan dad waynaha reer gabiley iyo xukuumada somaliland  u  sheegayaa in maayarka cusub  Maxamed Amiin  Cumar Cabdi oo ahaa maayar loo han waynaa   dabar lugaha lagaga  xidhay si aanu hadafkiisa uga midho dhalin.  Maayar amiin wuxuu la wareegay dawlad hoose oo qalinka wax lagu qorayaa iyo buuga dawlada hoose yaalaa uu dayn yahay  marka laga yimaado 300,000 oo doolar ee daynta ah  waxaa jirta in lacagtii  cashuuraha  bariga ee jeeg kasta oo dawlada hoose ka baxa ku waajibtay taasi oo ay lahayd wasaarada maaliyadu in la cunay oo ragii cunay lacagtaasi ay wali shaqaynayaan  wasiirka maaliyaduna ay ku soo dalacday lacagtaasi  si ay dawlada hoose ee gabilay u bixiso , wasiirka Maaliyada Marwo:ZamZam Cabdi  Aadan oo ah wasiir aan u hanwaynahay  Waxaan leeyahay wasiir laba kaa yeeli mayno “Gabiley Musuqmaasuqii Ka Dhacay Ha La Danbabaso Lacagtii Jeegaga Ee Wasaarada Maaliyadana Ha La Bixiyo Ragii Cunayna Ha Sii Shaqeeyaan “.  markaa wasiir samsam waxaanu ku leenahay lacagta jeegaga dawlada hoose ha bixiso ee waa in dawladu talaabo cad ka qaadaa raga lacagtaas cunay ee weli ka sii shaqaynaya dawlada hoose ee gabiley.Wasiir waxaan kuu sheegaynaa in anaan  lacagtaa la bixin doonin inta ragii lacagtaa musuqay ay shaqaynayaan ee arinkaasi xukuumada ceeb ayay tahay   adigana ceeb ayay kugu tahay” ayuu xildhibaanku yidhi, waxaana uu xukuumadda dhexe ugu baaqay in xoghayaha dawladda hoose ee Gabiley shaqada laga fadhiisiyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here