Maayarka Caasimaddu Ma Og Yahay In Musuqu Yahay Meheradda Dawladda Hoose Ee Hargeysa+DAAWO Nuqul Ka Mid ah Waraaqo [Voojarro] Ay Lacago Ku Qoran Yihiin
Waxay ahayd saaka [Shalay Khamiistii] markii xubno ka socda dawlada Hoose hargeysa gaar ahaan waaxda arrimaha bulshada ay soo galeen tukaan ku yaala magaalada hargeysa kaas oo ay markii ay baadheen ka heleen xidhmo bacaha loo yaqaan miikooyinka markiiba waxa ay amreen in inankii meherada dhex joogay la xidho oo loo jaro ganaax dhan 2’000000 ( Laba Milyan) degdega ayaan loo geeyay xarunta dawlada hoose ee hargeysa, markii ba waa la xidhay waxaana amar lagu siiyay in haddii uu doonayo in la sii daayo la bixiyo lacagta kor ku xusan. Markii masuulkii meherada iyo ehelkiiba xaruntii isugu yimid dood dheer iyo wax naga daaya ka dib waxay waaxdii ku shaqada iyo arrimaha bulshadu soo gaadheen in la bixiyo 700’000 kun oo shilin ( Todoba boqol kun oo shiling) dhinicii meherada lahaana way ogolaadeen markii ba waxa ay bixiyeen lacagtii, jabkuse wuuxuu noqday in aan lacagtii ganaaxa loogu qorin juwankii ganaaxa balse loogu qoray in ay bixiyeen 300’000 kun oo shilin (Saddex boqol oo kun) taas ay ku xuseen qoraalka in ganaaxa laga laga qaadayay yahay 500’000 lagana daayay 200’000 kun. Waxaana halkaas ay si gaar ah ugu qaateen 400’000 kun oo shiling. Arrintani waxay marag u tahay musuqa baahay ee xadhkaha goostay ee ka jira dawlada Hoose ee hargaysa taas oo noqotay guriga lagu baadho bulshada ka aradan adeegyadii aasaaaiga ahaa ee ay xaqa ugu lahaayeen dawlada hoose.
Waxa aan indhaha laga qarsan karin heerka maanta caasimadu dayaca ka gaadhay.
Waxa aynu wada ogsoonahay caasimada sii koraysay ee hargeysa oo danteedii guud la dhammeeyay oo aan laga helayn meel saldhig laga dhigo,meel dhakhtar laga dhiso ,meel iskuul laga dhigo, meel garoon laga dhiso, meel suuqyo laga dhiso.
Intaas oo ay weheliso wada xumaanta ka jirta caasimada iyo qashinka tuulan ee bilic xumada baday.
Daryeel la’aantaas shacabku ha iska qabo ee waxa haboon in laga daayo baadhashada aan sharciga iyo xaqa loogu lahayn ee xoolahooda lagu xalaashanayo fariintan waxa isna ay la gudboon tahay in uu weeleeyo agaasimaha waaxda arrimaha bulshada Agg Khadar Y Ali….
W/Q. Liibaan Ismaaciil Buraale
- Maamul goboleedyada haybta ku dhisan baa ka soo horjeeda
- Fakhriga iyo shaqo la’aanta ayaa ka soo hor jeedo
- Qaxootiga iyo bara-kaca ayaa ka soo horjeeda
- Abaaraha soo kordhay baa ka soo hor-jeeda.
Intaas oo cadaw waa kuwo awood badan oo abaabulan oo miskiinka madaxweynaha ah ka soo hor-jeeda. Hiilkiisuna waa kuwa tiro badan oo itaal daran.