Ninba Si U Dhimay-W/Q: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

0
65

W/Q: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

 Guriga aan deggaanaa albaabka mid noo dhexeeyo waxaa degganaa nin calool weyn oo laga dareemayo in uu balwadaysan yahay. Mar aannu sheekaysannay wax uu ii sheegay in uu cimrigiisii oo dhan warshadaha ka shaqayn jiray imikana bukaan ku qoran yahay. Bukaanka uu ku qoran yahay balwadda haysa ayuun baan u qaatay. Aroor baan u yara fadhiistay kumbiyuutarka si aan wararka u eego, waxaanan qacdiiba la kulmay war weyn oo ah dilkii Xaashi Cayrow. Faahfaahin aan meelo kale ka daalacday wax aan ku ogaaday ninkaa in Maraykanku ku dhuftay gantaal aad u horumarsan oo qiimigiisu malyuumaad doollar joogo. Ninkaa dhintay haddii aanan bogaadin kollay ma aan yasin, waayo qaddiyad uu rumaysnaa waxa ay doontaba ha ahaatee xarrago ayuu ugu dhintay. In yar ka dib markii aan albaabkayga ka soo asaanan weli sallaankii qabsan waxaa i saaqday siifad xun oo aan caadi ahayn. Haddana wax aan arkay dhakhaatiir iyo kalkaalisooyin gashan dharkii shaqada oo salaankii guriga is daba maraya. Ninkii caloosha weynaa ee aan soo xusay aqalkiisii baa la galaabaxayaa. Waa meesha ay urtu ka soo baxayso. Waxa dhacay markii aan wayddiiyay waxaa la ii sheegay ninkii aqalkaa degganaa in uu dhawr cisho ka hor halkaa ku tawafay iyada oo aan cidi ogayn oo sariirta ku qudhmay.   Isla markaa ayaan xusuustay dilkii Xaashi Cayrow. Dabadeed waxaa maskaxdayda ka weynaatay sida hoosaysa ama sarraysa ee qof u dhiman karo. Wiilkaa Geeska Afrika wareegayay quwadda adduunka ugu weyn baa ku ugaadhsatay gantaalka hubka jira ugu horumarsan. Ninkan cidlada ku qudhmayna quraarad khamri ah baa galaafatay. Laba nin bay ahaayeen, mid walibana wax uu jeclaa buu u dhintay.

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

Ibraahinhawd@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here