Nin Hubeysan Oo Afar Askeri Ku Dilay Dalka Maraykanka

0
34

Nin hubeysan ayaa afar ka mid ah ciidamada maariiniska ee Mareykanka toogtay kaddib markii uu weeraray laba dhismo oo ciidmadu degan yihiin.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay Chattanooga ee gobolka Tennessee, ee dalka Mareykanka.

Maayarka magaaladda, Andy Berke, ayaa waxa uu sheegay in ninka hubeysan ee weerarka qaaday ay booliska toogteen.150716202146_chattanooga_shootings_main_624x351_afp

Qof boolis ah iyo dad kale ayaa weerarkan ku dhaawacmay, sida uu Maayarka tilmaamay.

Madaxda gobolkaasi waxa ay weerarka ku tilmaameen “ficil argagixisada gudaha” ay ka dambeyso.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in baadhayaashu ay eegayaan in ninkani uu xidhiidh la lahaa Daacish ama koox kaloo la mid ah.

FBI-da waxa ay magaciisa ku sheegeen Muxamed Yuusuf Cabdulcasiis, mid ka mid ah TV-yada dalkaasina waxa uu baahiyay inuu qaatay dhalashada mareykanka, laakiin uu ku dhashay dalka Kuweyt.

source:bbc

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here