Muwaadiniin reer Somaliland Ah Oo Wacdaro Ka Dhigay Bandhig Dhaqameed Caalami Ah Oo Lagu Qabtay BOON

0
20

Xubnahani Waxay Ay   madaxdii ka soo qaybgalay  bandhigan  uga warrameen sooyaalkii  ay JSL  soo martay   iyo sida ay u tahay qaran rubuc qarni ka hor xornimadiisii kala soo noqday Soomaaliya

 

Boon (Hubaal)- Xubno ka mid ah  Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Waddanka Jarmalka,  ayaa shalay ka qaybgalay bandhig dhaqameed caalamiya oo lagu qabtay magaalada Boon ee dalka Jarmalka, kaasi oo ay  ka qaybgaleen 120 Waddan, oo lagu soo bandhigayey taariikhaha iyo xadaaradaha bulshooyinka caalamka.  Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Waddanka Jarmalka Cabdifataax Cali Daa’uud, Guddoomiyaha ictiraaf raadinta Somaliland ee Jarmalka  Maxamed Xuseen Dhacsiiye iyo xubno kale oo ka mid ah qurbajoogga Somaliland, ayaa Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA oo warkan aanu kasoo xiganay  u sheegay in madal dhaqameedkaas  ay  madaxdii iyo dadkii ka soo qaybgalay  uga warrameen sooyaalkii taariikheed iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland u  soo martay  dowladnimadeedda iyo sida ay u tahay qaran madax-bannaan oo rubuc qarni ka hor xornimadiisii kala soo noqday Soomaaliya. Cabdifataax Cali Daa’uud iyo Maxamed Xuseen Dhacsiiye, waxay xaqiijiyeen inay madashaas  ku qaybiyeen qoraallo ka hadlaya taariikhda iyo dhaqanka guunka ah ee ummadda reer Somaliland. Waxa kaloo ay tafaasiil ka siiyeen  masuuliyiin ka socday xisbiyada siyaasadda Jarmalka, dowladnimada, dimuqraadiyada iyo nabadgelyada ka tisqaaday  Somaliland ee beesha  caalamku aanay  kaalinta ku lahayn hirgelinteeda. Waxaanay faahfaahin ka bixiyeen   farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Waddanka Jarmalka Cabdifataax Cali Daa’uud  wuxuu caddeeyey in bandhigan oo noqon doona   mid sanadle ah  ay si joogto ah uga qaybgali doonaan mustaqbalka si ay uga dhex ololeeyaan qaddiyadda ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here