Muwaadin Goormaa Kuugu Dambaysay D/Hoose Ee Hargeysa Iyo Golaheeda Deegaanka , Maxaadse Ka Ogtahay Waxqabadka Laga Filayay Inuu Yahay Mid Taban Ama Togan ?

0
44

Daraasad Qoraal ah oo Taxane ah :

Qaybtii 2aad ( Labaad ).

Diyaariye : Fu’aad Cabdi Xirsi …

 

Muwaaadin sidii balanteenu ahayd  waa qaybtii labaad ee maqaaladeenii taxanaha ahaa….

 

Intani waa intii ka hadhsanayd Qeybtii koowaad ee Nadaafada iyo Bilicda :-

……Ha ahaato qaab qabali ah ama qaab danaysi ama shuraako qarsoon lagu sheegay , maadaama aan si cad (oo Transparent ah) aan loo soo bandhigin , looguna tartamin qandaraaska ururinta qashinka ee Magaalada Hargeysa .

Khaladka sharci ee ugu weyn sidaan qormadii tan ka horeysay kusoo sheegay waxay tahay in mas’uuliyad ay leedahay D/hoose ee Hargeysa oo waajibkeeda ahaa , ahna tiirka koowaad ee lagula xisaabtami lahaa haday jiraan cid damiir  lihi waa Bilicda iyo Xashiishka/Qashinka  in ay ku wareejiso ashkhaas shicib ah waaa ayaan darro weyn , is weydiintuse waxay tahay yaa qiimeeya oo daraasadeeya in xashiishku markii ay shaqaalaha D/hoose gurayeen iyo markan shirkadaha ashkhaastu leeyihiin ee qandaraaska nadaafada hargeysa la siiyay keebuu yar yahay xashiishku ? u malayn maayo inay cidi qiimayso ! u fiirso halkaas shayga xashiiska la yidhaahdo waa shayga kaliya ee muwaadinka Hargeysa ku nool marka uu aroortii tooso uu toos u dareemayo in uu yaalo magaalada iyo In la nadiifiyay ! ..fu'aad

Maanta meel walba oo magaalada ka mid ah waxaa daadsan xashiish , waxaa kale oo samaysmay goobo aan weligood hore u jiri jirin oo si qayrul sharci ah xashiishka la isaga daadiyo , taasina waa mas’uuliyada darada Maamulka D/hoose iyo Hogaankeedu, iyagaa u Xilsaaran oo loo doortay qoddobkan ugu mihiimsan inay wax ka qabtaan , kaba kaalay Hargeysa oo dhan orod oo kalah oo tag Xarunta D/hoose eeg Xashiishka,Bacda,Daasada,Caagada iyo Saxarada wadhan geydhadhka iyo barxadaba taas ayaa maqraati cad u ah in Magaalada inay wax kaqabtraan iska dhaafe aanay Hoygoodii oo Xafiisyada u ahaa aanay nadiifin Karin , qof aan gurigiisa hagaajisan karina meel kale waxba kama qaban karo “ Tiisaba Daryeelaa Tukale Kudara”.

Dariiqyada waaweyn,xaafadaha dhexdooda, suuqyada ganacsiga meel walba iska caadi weeyaan oo dadweynuhu way la qabsadeen in ay la saaxiib noqdaan xashiishka, bacihii dhirta ayay ubax u yihiin , joojintii sanad kahor lagu dhawaaqayna waxba kama suurtoobinoo si caadi ah ayay ganacsatadu usoo dejisaa una iibisaaa, mee mamnuucidii D/hoose ? meeday ganaaxii ? mee sharci jabintii ? mee liisan kala noqoshadii ganacsadahii muddo dhaafa ee keena bacaha ? mee xukunkii Maxkamadaha loogu gudbinayay ? way iska fududahay in awaamiir lasoo saaro oo la yidhaahdo waxaas iyo waxaaaas laakiinse waxaa is weydiin leh meeday fulintii , iska caado bay noqotay in dadweynaha magaalada Hargeysa kolba filim yar oo qurux badan oo aan berina suurtoobin la daawadsiiyo, filimkeebaa ugu dambeeyay , dee kan bacda .

Dhanka kale nimankaas hogaanka u ah Magaalada Hargeysa waxaa ay seegeen kas ha ka ahaato ama aqoon daree inay qorshe nadaafadeed oo cilmiyaysan ay u sameeyaan Magalaada Hargeysa , isla markaana ay abuuraan istiraatijiyad ah Hargeysa siday u ekaanaysaa 30 ama 40 sanadood kadib ? ma aha in mas’uulku uu iska fadhiyo oo ku shaqeeyo qaabka loo maamuli jiray hargeysa 40 sanno kahor, anigu waxaan isweydiiyaa tolow goormuu dhalan doonaaa mas’uul waddaniyad , aqoon , dal jacayl , karti , waxqabad iyo daacadnimo ku salaysan ! waxaan u leeyahay taas weli maan arag marka laga tago Maayar Eng Maxamed Xaashi mas’uul hogaanka Hargeysa qabtay oo astaamahaas leh, maanta driange yadu haduu roob da’o iyo haddii kaleba waa iska caadi oo waanu la qabsanay in xashiishku uu buux dahaafiyo iyaga oo muuqaalana waan idiin soo gudbin doonaa dhamaan waxaas aan ka hadlay, https://www.facebook.com/rsrc.php/v2/y4/r/-PAXP-deijE.gif

Dhanka bilicada , maalintii ay lawareegeen Golahan Deegaanka ee Cusub   suuqa dhexe ama dariiqa dhexe ee wadnaha ee Caasimada Hargeysa waxaa uu lahaa laydh /nal oo iftiimiya habeenkii suuqa dhexe ,kaas oo taxan ilaa saldhiga dhexe ilaa saldhiga new hargeysa , maanta ma jiraa ? may ! eeg hadaad doonto oo habeenkii mar.

Xoolihii nooc walba waa iska caadi inay dariiqyada aad ku aragto iyagoo laafyoonaya, eyda la mid , dhankii dhir beerista weligay maan arag iyagoo hal geed beeraya ama ku ololaynaya , maalin dhawayd taas ay geabeen waxaa gartay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Jsl , alleh haka abaal mariyee Md. Ali Mohamed Waran Adde , laakiinse mooyi siday usii wadi , dadkana ugu wacyigelin , ama u bari faa’iidada dhir beerista Caasimada .

Waxaase ugu yaab badan marka laga hadlayo Nadaafada iyo Bilicda magaalada Hargeysa  in markaasba qofka degan magaalada Hargeysa ay qasab tahay inay Maskaxdiisa kusoo dhacdo xashiish , laakiinse taasi waa inagii kasoo hadalnay hadda waxaa jira in Hudheelada magaalada ku yaalaa ay habeenkii xilli fiid ah bulaacadahooda ay booyadahu qaadaan , waana  faras magaalihii , urta , qadhmuunka iyo dareeraha iska daadanaya haduu doono walaahi waad yaabaysaa , ma jirto oo ma arakaysid cid kormeeraysa iyo iyagu cid ay ka baqanayaan, waxaana kaba sii daran hudheelo suuqa badhtankiisa si nadaafad darro ah uga dhex samaysmay(waxa jira ood arkaysaa  hudheelo cunto  oo fiidka laga salaxo wadada badhtama ee wadnaha midkamida oon magaca meheradiisa waydiiyey wuxu igu yidhi banaan rusheeste haduu wax gaystana aroorta meel loo racaa ma jirto) , waxay samaynayanaaan inaanay nadiif ahayan ayaa suurta gala oo caafimaadka bini’aadamka aanay u wanaagsanayn, alaabta iyo qalabka, iyo weelka iyo wiciyada ay isticmaalayaan walaahi waad la yaabaysaa qaarkood oo isuma quudhaysid inaad wax ka cunto , qofka kuuga ah ama waytarka ah iyana qaarkood kuma haboona inay shaqadaas qabtaan ! waayo shuruudaaa jira . yaa hubiyay caafimaadkiisa isaga , goloofiskii gacmaha iyo madaxa inay xidhaan. in ay soo maraan waaxda hygiene ta D/hoose oo la soo siiyaa marka ay soo maraan baadhitaanadaas iyo imtixaamo kale liisan ama ruqasada isaga markaas ku haboon, isweydii arrimahaas aan ka hadlay hadda ma jiraan ? jawaabtu waa maya ma jiraan. Cidii doontaa waxay doonatay hargeysa ka dhex samaysan kartaa .

Waxaa kale oo jirta in ciidu ay masiibo ku noqotay  bilicdii magaalada, weligeedba waddo hala sameeyo, ama hala nabnabo waa iska caadi in ciidu dul martaaa, markaas bal ka fikir hadii maalin walba aad leedahay waxaas ayaan qabanayaa ama qabtay oo kharash baxayo laakiinse aanay muuqanayn wax-qabadkaasi soo ayaan darro weyn  ma aha ? meeshii maba aha meel fikir imanayo oo tusaale ahaan arrinka kaliya ee ciida qaqabka loo maarayn lahaa Mas’uuliyiinta garan la’a ilama aha inay xal kale keeni karaan guulana aan laga sugi Karin.

Dhanka kale waxaa iska samaysmay suuqyo sharci darro ah oo ka dhex-samaysmay dariiqa dhexe ee wadnaha caasimada hargeysa , arag xumada iyo bilic xumada ay suuqyadaas sharci darada ah abuureena waad la amakaagaysa , way jirtaa in mar mar ay D/hoose ay Olole ku qaado , balse isla maalinta xigtaba way soo noqdaan , oo waxaaba suurtagal ah in madaxda sare ama dhexe ee  maamulka iyo shicibkaas kolna la kiciyo kolna lasoo celiyo wax ka dhaxeeyaan , eeg maxaa ii diidaya inaan ganaax culus saaro meherada ay hor degan yihiin ganacsigan yare e war-wareegaa markaan doonayo bilicda caasimada hargeysa.

Maanta isku soo duudub arrinta Nadaafada iyo Bilicda wax aliyaalo wax laga qabtay ma jirto , haday jiraan isoo qanci aniga .

Dayactirka Iyo  Dhisamaha Wadooyinka:

Inta aynaan gudagelin qodobkan waxaa naga xasuusin in aan doonayo ama aanu doonay in ay maqaaladani ku yeeshaan saamayn taban cida ay khuseeyaan oo ah cida laga rabo adeegyadan inay u qabtaan bulshada iyo bulshada loo shaqaynayaba ,sidaa darteed waxaanu soo dhawaynayna Falooyinkiina , Falanqayn ,iyo Tusaalooyinka intaba .

Qaybtan waxaynu kaga hadli doonaa sida ciwaanka ka muuqata Wadooyinka dayactirkooda iyo dhisidooda oo ah laf dhabarta kaabayaasha dhaqaalaha iyo bulshada  ,marka aynu qiimaynayo wax qabadka Maamulkan waxaa laga maarmaan ah in uu jiro minqiyaas aynu ka qiyaasqaadan karaa ,min qiyaaskaa oo noqonkara Maamulkii ka horeeyay oo maamul in badan xilka hayay lana odhan karo waa maamulkii ugu mudada dheeraa ( waxaa muhiimadeeda leh  in wax laga yidhaa shakhsiyada maamulka laga hadlayo hogaaminaysa inay tahay mid hanan karta xilka ay hayso iyo waxqabadka laga doonayo, qaybaha dambe ayaynu ku falanqayn doonaa anagoo is barbar dhigi doona shakhsiyadii maamulkii hore hogaaminaysay iyo shakhsiyada maamulkan hogaaminaysa. Oon weliba jecelahay in ay noqoto mid cilmiyaysan sida oo dadbadan iyo khabiiro D/hoose khibrad u lehi ay ka qaybqataan sida tii dhawaan saxaafada lagu soo bandhigay ee laysku barbar dhigayo dawladii Riyaale iyo tan Silaanyo ).wuxu maamulkani ku doodaa in ay wadooyin badan dhiseen , hase yeeshee hadii ay dhiseenba , waxaa ayagu gebi ahaanba meesha ka baxay wadooyinkii hore,  ka dib markii ay waayeen dayactirkii maamulkii hore ku wadi jiray ha ugu sii daraato wadada Caasimada galbeedka ku xidha oo ah isha dhaqaale ee labaad marka dekeda Berbera laga yimaado gebi ahaanba meesha way ka baxday , eeg suuqa dhexe eeg dhaqtarka dabadiisa , eeg togdheer, eeg calaamadaha , eeg edna hospital eeg idaacada , eeg xerro awr eeg..eeeg…eeeg ( waxaanu muqaalo aanu idinku tusayno dayaca wadooyinka ku dhacay sida ay u burbursanyihiin aanu idiinku soo gudbindoonaa warbaahinta , iyo baraha Bulshada ), tan waxay ina tusaysaa in khibrada aqoonta shakhsiga hogaanka ahi ay mihiim tahay , maamulkii hore waxaa dayactirka u sahlayey aqoonta iyo khibrada uu lahaa hogaankoodu (Maayar Jiciir oo ahaa injineer D/hoosana inbadan ka soo shaqeeyey) Waxqabadka ugu muhiimsan ee maamulkani sheegto waa qalab dhisme oo sida lawada ogyahay dayn lagu soo iibiyey ayada oo ay jirto hanti badan oo ma guurto ah oo loo iibiyeyna.taas oo aan loo marin dariiq sharci oo tartan xalaal ah loo tartamin qandaraaska iibka kaalintii Hore ee D/hoose ee Waqtigii Maayar Cawl la sameeyay, iyaga oo ku doodaya in Deyn badan lagaga leeyahay qalabka wadooyinka ee Ethiopia ay kasoo iibsadeen D/hoose ahaan inay lacagta halakn halaaks isaga bixinayaan , imiisaa la siiyaya ? bal is weydii yaa garan kara cadadka lacageed ee lagu iibiyay kaalinta ? meeshaas walaahi tuhun weyn baa ku jira ?  Iswaydiinta kale  waxay tahay qalabkan la sheegayo mawaxa loo keenay in la daawado mise in wax lagu  qabto, ilaa imika oo sanado laga joogo markii la keenay haba yaraatee wax lagu qabtay ma jirto , sida la sheegay qalabkan oo ah mid qaaliya waxa ka midha dhalinkara maamul iyo hogaamiye soo jeeda , oo aan hurdin,  wuxuu u baahan yahay cid juhdi iyo dadaal badan gelisa kana ilaalisa in uu la mid naqdo qalabkii hore dawlada hoose ee bilaha ku fadhiisan jiray , una maamusha sida qalabyada gaarka loo leeyahay, ee maaha mid ay ka midhalin karaan hogaamiye iyo maamul Hurdaa.

Lasoco qaybtan oo aan dhamaystiri doono iyo qeybaha ku xiga , muwaadin in aynu cashuurta bixinaa waa muhiim oo waa sax , laakiinse waxaa ayaduna muhiim ah in wixii laguugu qabtay aad kula xisaabtantaa cida cashuurta aad siiso , oo waa xaqaad leedahay in laguu sameeyo wadada meheradaa ama gurigaaga hormarta , sidoo kale wixii  qaldan ee ay ahayd in la inoo qabto in aynu farta ku fiiqno kuna xisaabtano waa waajib aynu leenahay ee aynu ogaano taas.

Fu’aad Abdi Hersi

Tell : 063-4421408

E-mail : rayanhersi@hotmail.com

https://www.facebook.com/ahmed.fuad.a.hersi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here