” Muusoow dastuurku wuu cadeeyey, ummaduna way idin arkaysaa in aad Miisaaniyadii Qaranka iyo Hantidii Ummadda sida aad ugu tumanaysaan” Xil.Buubaa

0
27

Hargeysa(Hubaal)-Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa Jawaab kulul ka bixiyey hadalo kasoo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Gud.Muuse Biixi Cabdi iyo Xildhibaan Cali Mareexaan oo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ku eedeeyey inuu laalay Xeerkii Kootada ugu xidhi lahaa Kuraasta Golaha Wakiilada ee Beelaha la hayb-sooco

ibraahim buubaaAfhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu Xukuumada iyo Xisbigeeda Kulmiye usoo jeediyey inay u quudhaan Xisbiga Waddani Horumarka balaadhan ee uu sameeyey mudada koooban ee uu jiray iyo taageerada balaadhan ee uu helay

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi”Waxan halkan ka cambaareyna xaflada been abuurka ah ee laga sameeyey Dadweynaha Beesha Gabooye taasoo ay maanta Xukuuumadu soo abaabushay dad ay magacooda ku sheegayso oo ay leedahay waxa ay ku biireen xisbiga Kulmiye taas oo aad arkayseen siday uga cadhoodheen ee ay uga mudaharaadeen dhamaan qaybaha kala duwan ee beesha gabooye haday tahay Madax-dhaqameedkooda haday tahay Haweenkooda Dhalinyaradooda taas oo la arkaayey maanta mudaharaaadkii ay ku qabteen xaafadooda ee ayku beeninaayeen in aanay iyaga ahayn cida xafladaasilo qabtay”

Sidoo kale Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa waxa kale oo uu cambaareeyey in ay Xukuumada ku Cambaareeyey in ay uquudhi wayday in Beesha Gabooye ay aayahooda ka tashato isagoo isla markaasina xusay inay Beeshu xor u tahay inay aayaheeda ka tashato oo ay Xisbiga ay doonto ku biirto

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa waxa uu jawaabo kulul siiyey Xildhibaan Cali Mareexaan iyo Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi”Waxan jecelay inaan hadalo yar oo koob kooban ka idhaahdo sadex qof oo ka hadlay xafladaasi maanta waxaananugu horeysinayaa Cali Mareexaan oo aan Golaha ku wada jirno markaasi waxaan leeyahay cali wuxuu sheegay in Madaxweyuhu qorsheeyey in beesha gabooye kuraastooda koooto loogu xidho Gudoomiye cirana uu hor istaagay gacantiisana ay ku dhimatay markaasi waxanu leenahay callow waxba kam jiraan waxaasi aad sheegtay cirro ayey gacantiisa ku dhimatayna waxaanu kaa nidhi adiguu ahaa ninkii markii xildhibaanadaMucaaradku soo dhigeen cidii baabiisay ee is hortaagtay adiguu ahaa adigoo waliba kaashanay Mudanayaasha muxaafidka ah ee aad ugu dabshido dhaameelkan uga soo daadiso Madaxtooyada”

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa sidoo kale waxa uu jawaab kulul Warbaahinta u mariyey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi oo duray Siyaasada Xisbiga Waddani isagoo Gudoomiye Muuse Ujawaabayaana waxa uu yidhi”GuoomiyahaXisbiga Kulmiye waxa uu sheegay wax lagu qoslo waxaanu sheegay in Xisbiga kulmiye aanu marna soo hadal qaadin afkiisa aan laga hayn mudo kordhin inaan loo samayn Madaxweyne riyaale ,taasi oo ah been cad waayo waakii ku hadaaqayey ee lahaa isagoo xitaa qaldaaya magaca Daahir Riyaale ee lahaa Maxamed Riyaale ha dhacao iyo hana soo dhaafo waatii la ogaawixii Kulmiye Mudaharaadyo ka higay arintaas iyo Muwaadiniintii ku nafwaayeyba ,hadaba waxan leeyahay Muuse iyo qayrkiiba la idinka yeeli mayo Mudo kordhinta aad u qiil raadinaysaan taariikhdu waa mid qoran oo idiin taala waxii aad hore uga aaminsanaydeen ee aad kasoo sameyseenba”

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa Gudoomiye Muuse Biixi ugu Maahmaahay Maahmaah hore uu ugu Maahmaahay Madaxweyne Cigaal isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi”Muuse waxan kuugu maahmaahayaa Maahmaahdii Madaxweyne Cigaal Hore kuugu maahmaahay ee ahayd Waa Rafadkay rafanaysay ,markaasi Muusoow waxaanu idinka leenahayHantida Ummadda Muusoow dastuurku wuu cadeeyey Ummaduna way idin arkaysaa in aad Miisaaniyadii Qaranka iyo Hantii Ummadda sida aad ugu tumanaysaan ee aad ugu Ciyaaraysaan”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here