Muusiishan Maxamed Miyir Oo Xalay Ku Geeriyooday Hargeysa Iyo Xukuumadda Oo Ka Hadashay

0
19

Hargeysa(Hubaal)- ALLE ha u naxariistee  Waxa shalay gelinkii dambe ku geeriyooday magaalada Hargeysa Marxuum- Maxamed Miyir Xaaji oo ka mid ahaa Miyuusishannada  caanka ah ee Somaliland, oo muddo laba maalmood ah u jiifay xannuun ku soo booday. Agaasimaha Waaxda  Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdi Maxamed Jaamac,  ayaa u sheegay  Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, in Marxuum- Maxamed Miyir Xaaji uu tumi jiray dhawr qalab oo ka mid ah Miyuusiga, sida Kamanka, Giitaarka iyo Fiyoliinta. Agaasime Cabdi Maxamed Jaamac waxa uu xaqiijiyey in Marxuum-Maxamed Miyir uu ahaa nin dhallinyaro ah oo hawlkar ku ah shaqadiisa isla markaana dedaal badan, waxaanu tilmaamay inuu ku soo biiray  Waaxda dhaqanka ee Wasaaradda sannadkii 2000. Cabdi Maxamed Jaamac wuxuu iftiimiyey  in Marxuum Maxamed Miyir  ahaa ahaa Mulaxan ku wanaagsan codaynta heesaha. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo fannaaniinta Somaliland ee uu ka baxay marxuum-Maxamed Miyir Xaaji, waxaanu Marxuumka  Ilaahay uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii iyo bahda fanka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum-Maxamed Miyir Xaaji waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1974kii, waxaanu waxbarashadiisii Hoose/Dhexe ku soo qaatay magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu ku  koray, kuna barbaaray isla markaana kaga biiray fanka. Marxuumku wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo siddeed carruur ah oo iskugu jira Saddex Hablood iyo Shan Wiil. Marxuumka waxa  maanta oo Axad ah  lagu aasi doonaa beertooda oo ku taalla Xeedho.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here