Muudeey Oo Noqdey Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Soomaaliya

0
65

muudeey

Muqdisho (Hubaal) Doorashadan oo aheyd mid aad u adag ayaa ugu danbeyntii waxaa ku guuleystay guddoomiye ku-xigeenka koowaad Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey, halka ku-xigeenka labaad loo doortay Mahad Cabdalla Cawad oo hore u soo noqday guddoomiye ku-xigeenkii labaaad baarlamaankii 9 aad ee kan ka horeeyay, taasoo macnaheedu yahay in mar kale uu dib ugu guuleystay xilkii uu hore u hayay.

Cabdiwali Sheekh Muudeey ayaa wareegii labaad ee doorashada ka adkaaday xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir,  halka Mahad Cabdiwali Cawad uu ka adkaaday musaharixii la tartamayay ee Cabdiqaadir Sheekh Baqdaadi. Doorashada shalay ka dhacday xarunta gollaha shacabka oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa lagu soo dhameystiray guddoonka baarlamaanka, waxaana wixii hadda ka danbeeyana la guda-gali doonaa qaban-qaabada doorashada madaxweynaha.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here