Musharraxa Cunsuriga Ah Ee Maraykanka Oo Si Gaar Ah U Weerray Soomaalida USA, Mar Kalena Ka Cadhaysiiyey Muslimiinta Dalkaas

0
30

“Kuwii Ka Dambeeyay Qaraxyadii Boston Waxay Ahaayeen Dad La Siiyay Magan-Galyo, Soomaali Badanna Waxay Doonayaan In Ay Daacish Ku Biiraan”

Washington (Hubaal) – Murashaxa cunsuriga ah ee  Xisbiga Jamhuuriga ee Marykanka, Donald Trump, ayaa mar kale ku celiyay baaqiisii ahaa  in Muslimiinta laga Mamnuuco in dalka Mareykanka ay soo galaan.trump

Trump oo khudbad jeediyay ayaa ku sheegay in Soomaalidu ku Nool dalka Mareykanka ay doonayaan inay ku biiraan Ururka Daacish ama ISIS. Isagoo ka hadlay dhacdadii maalin ka hor ka dhacday gobolka Orlando ee Marykanka, ayuu tilmaamay inay tani tahay mid ay fuliyeen kooxo Xag-jiriin ah.

“Soomaali badan oo ku noolaa Gobolka Minnesota, ayaa ku biiray Ururka Daacish, welina waxay doonayaan inay Ururkaas ku biiraan, kuwii ka dambeeyay qaraxyadii Boston waxay ahaayeen Dad la siiyay Magan-galyo Siyaasadeed, Ninkii Toogashadii – San Bernardino ka Dambeeyayna Wuxuu ahaa Qoxooti,” ayuu Hadalkiisa ku daray Donald Trump.

Murashaxu wuxuu dhaleeceyn adag u jeediyay Siyaasada Madaxweyne Barack Obama iyo xisbigiisa, isagoo sheegay in wax laga beddelo socdaalka Mareykanka. Wuxuuna ku daray intaas in xag-jirnimada Islaamka ay kusoo Xoogaysanayso Mareykanka, isagoo ku baaqay in la koontaroollo xuduudaha Marykanka laga soo galo oo dhan.

Ugu dambeyntii, Hillary Clinton oo ah Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga – ayaa iyaduna si kulul u Cambaareysay Hadallada Donald Trump, Waxyna ku Tilmaamay in ay yihiin kuwo ku dhisan dad nacayb, isla markaana ah Hadalada Carruurta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here