“Hooyaday baa igu Tidhi Habar Awal Hooyo CIISE MUUSE Ka Qaado, laakiin gobannimadii ay Hooyaday idinku sheegi jirtey halla idinka arko,” ayuu murrashax Maxamed Cali
Murrashax-ku-xigeenka WADDANI Oo kala Faquuqay Cududda Beelo Uu Marti Uga Yahay Codkii Uu Kursiga Ku Fuuli Lahaa Iyo Agnaan-nimadii Oo Goor Horeba Bannaanka Timi
Hargeysa:(Hubaal)-Murrashaxa madaxweyne-ku-xigeen ee xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cali Cabdi, ayaa fadeexado la xidhiidha dirsooc iyo kala qoqobid beelaha Somaliland qaarkood la xidhiidha faraha la galay, waxana uu madal ilyartu is qabatay kaga tiraabo weedho liddi ku ah wada-jirka iyo isku duubnida shacabka Somaliland oo ay bulshadu si weyn u hadal hayso.
Murrashax Maxamed Cali, ayaa madal uu goob-joog ku ahaa guddoomiye Cirro isla-markaana ay fadhiyeen dhallinyaro iyo aqoon yahan reer Somaliland ahi waxa uu si aan ka fiirsasho lahayn ugu jeediyey hadallo faquuq iyo kala jajabinta beelaha reer Somaliland u badan, waxana uu afkiisa ka sheegay in Hooyadii dhashay kula dardaarantay in beelaha qaarkood kuwa kale ka mudan yihiin, isaga oo carrabaabay kuwa mudanta ah iyo kuwa kaleba.
Isaga oo si gaar ah uga farriin ugu diray shacabka reer Saaxil, waxa uu dhalinyaradii uu hadalka u jeedinayey ku canaantay su’aalo ad adag oo ay guddoomiye Cirro ku ganeen, kuwaas oo sida hadalkiisa ka muuqata jawaabtooda xal loo waayey, waxana uu carrabka ku ballaadhiyey dardaaran reer Saaxil si gaar ah ugu wajahnaa oo ay Hooyadii u gunudday, “Cirro waxanu is baranay isaga oo reer Saaxil ah, inay reer Saaxil cawdaan oo ay guddoomiyaha su’aalo weydiiyaanna maan filaynin oo waxan is weydiinayaa xaggii aad ku kala maqnaydeen, aniga qudhaydu kama fogi oo Hooyaday baa waxa ay odhan jirtey Habar Awal Hooyo Ciise Muuse Ka Qaado, laakiin gobannimadii ay Hooyaday idinku sheegi jirtey halla idinka arko,” ayuu murrashax Maxamed Cali Cabdi.
Maxamed Cali Cabdi isaga oo hadalkiisa waxa uu hadallo tawaawac ah ku hurgufay shacabka reer Saaxil, waxana uu uga digay inay eex xagga qabiilka la xidhiidha sameeyaan, waxana uu yidhi, “Murrashax idinka dhashay oo reer Saaxil ah oo aad shalay soo saarteen haddii aad cidla dhigtaan oo tolla’aydu idin qaaddo, taasi waa nasiibkiin, filina maayo.”
Hadallada lagu saarayo beelaha Somaliland ee kasoo burqaday afka murrashaxa madaxweyne-ku-xigeenka WADDANI, ayaa si weyn looga hadal hayaa guud ahaan Somaliland oo dhan, waxana dadka siyaasadda faaqidaa u arkaan mid muujinaya qaan-gaadh la’aan siyaasadeed ee murrashaxaas iyo sida uu agnaanka uga yahay la hadalka dadka iyo kala xulashada odhaaha haboon iyo kuwa kale.
Tiraabaha noocan oo kale ah, ayaa diiwaanka u gelaya murrashixiinta xisbiga WADDANI, waxana ay kamid yihiin waxyaabaha la guntay ee muujinaya inaany jirin barnaamij uu xisbigaas dadka ku kasbankaro oo aan ahayn inuu dadka si beelaysan wax ugu sheego, isla markaana uu reeraha qaarkood ka dhigo qaar lama taabtaan ah, halka uu kuwo kalena fogaynayo.