“Sideedaba Cashuurta Berrigu Waa Mid Ku Dhacda Qofka Ugu Dambeeya Ee Shayga Laga Iibiyo, Ta Badduna Waa…..” -Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha
Muqdisho (Hubaal) Wax shalay gebi ahaanba xidhnaa Suuqa wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay ganacsatadu sheegeen in dowladda ay ku soo rogtay cashuur aanay ka bixi Karin. Ganacsatada ayaa ku doodaysa in cashuurta iibka ay tahay in la qaado marka wax la kala iibsado oo badeecooyiinka lagado. Balse dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in cashuurta iibka ay tahay in la qaado marka ay badeecooyiinka dekadda ay ka soo degaan.
Murankan ayaa hore u saameeyay badeecooyiinkii ka soo degi jiray dekadda magaalada Muqdisho oo gaabis uu ku yimid.
Xasan Mire Dhiif oo ah gudoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda ay ku qaldantahay in ay canshuurta iibka ay ka qaado alaab aan la iibin.
“Cashuuraha waxay kala leeyihiin cashuur bad iyo mid barri, midda badda waa in meeshseeda lagu qaadaa , cashuurta iibka sideeda ba waa canshuur qofka ugu dambeeya ee shayga laga iibiyo ku dhacda ,” ayuu yidhi Mr Dhiif.
Balse wasiirka maaliyada ee Soomaaliya Dr Cabdi Raxmaan Ducaale Beyle oo BBC ay arrintan wax ka waydiisay ayaa ku dooday in gacansatada ay diidan yahiin bixinta canshuurta. Wasiirka ayaa intaa ku daray in daruufo jiro awgeed ay dowladda ku qasabtay in cashuurta ay ku qaado dekadda.
“Ma diidanin ayay leeyihiin laakiin way diidan yihiin,ma run mise been? In ay cashuurta bixiyaan weeyaan,qof waliba wixii xaq loogu leeyahay waa in uu bixiyaa ,” ayuu yidhi wasiir Beyle. Muranka u dhaxeeya ganacsatada iyo dowladda oo ugu dambayntii sababay in uu xidhmo suuqa Bakaaraha ayaa waxa uu saamayn ku yeeshay kumannanka qof ee nolol maalmeedkooda u soo raadsan jiray suuqaas Bakaaraha. Suuqa Bakaaraha ayaa ah suuqa ugu wayn dalka Soomaaliya’ mana cadda ilaa iyo imika inta uu sii xidhnaan doono suuqaasi. Wadahadalo u dhaxeeyay dowladda iyo ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa guuldaro ku soo dhamaaday.