Muqdisho: Haweenay Xubinta Taranka Ka Jartay Ninkeeda

0
24

Muqdisho (Hubaal) Waxaa Maanta Dhacdo ay dad badan aad ula yaabeen ay ka dhacday Xaafada Barmuuda ee Degmada Howl-Wadaag, kadib markii Haweeney dadka dagan xaafadaasi kamid ah ay ninkeeda ka jartay xubinta taranka.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Haweeneydan ay ninkeeda maanta xili uu jiifay ay ka jartay xubinta taranka ragnimo, waxa ayna haweeneydan falkan foosha xun ee ay ku dhaqaaqday u adeegsatay midi af badan.

banaadirNinka laga jaray Xubinta Taranka oo xaalad adag ku jiray ayaa loola cararay Mid kamid ah Cusbitaalada Magaalada Muqdisho si xaaladiisa caafimaad loo baxnaaniyo.

Ciidamada booliiska Degmada Howl-Wadaag ayaa gacanta ku dhigay haweeneyda ninkeeda ka jartay Xubinta taranka, waxaana hada Haweeneydaasi ku xidhan tahay Saldhiga booliiska Degmada Howl-Wadaag.

Dhacdadan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo Degmada Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir, waxaana dhacdadan ay dad badan ku tilmaameen mid aan wanaagsaneyn oo argagax galineysa dadka qaarkood.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here