Mulkiilaha Summer Time Hotel Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Hogaanka Cusub Ee Dalladda SONYO La Wareegay

0
36

Hargeysa (Hubaal)- Mulkiilaha Huteel Summer Time Mudane Siciid Sh. Cumar ayaa Casho sharaf ku maamuusay Xubnaha Golaha Sare ee dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO iyo Hogaankooda Cusub Mudane Siyaad Cumar Cali iyo Ku Xigeenkiisa Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo waliba Xubnihii Golaha sare ee dhawaan xilka wareejiyay, Kulan maamuus iyo dardaaran ahaa Oo Mulkiilaha Huteel Summer Time kula dardaarmay uguna duceeyey Hogaanka cusub ee SONYO.

 1604578_1073570089335471_6872519885710867409_n

Kulankaasi Casho sharafta ahaa oo ka dhacay Huteel Summer Time ayay sidoo kale ka soo qayb galeen Guddoomiyaha Dalladda Jilayaasha Aan Dawliga ahayn ee Somaliland (SONSAF) Mudane Mustafe Sacad Dhimbiil, Aqoonyahano iyo Marti sharaf kale kuwaasi oo soo maamuusay Hogaanka Cusub ee SONYO iyo Hogaankii dhawaan xilka wareejiyey oo uu hormuud u ahaa Mudane Mubaarik Ismaaciil Taani, Guddoomiyihii hore ee SONYO.

Ugu horrayn Kulankaasi Casho sharafta ahaa waxa hadalo dardaaran iyo duco isugu jira xubnaha cusub ee hogaanka SONYO ka soo jeediyey Mulkiilaha Summer Time Mudane Siciid Sh. Cumar oo ah nin dhallinyaro ah oo inta badan jecel horumarka dhallinyarada Somaliland. Mudane Siciid Sheekh Cumar waxa uu Hogaanka cusub ee SONYO kula dardaarmay in ay dadaalka SONYO muujisay sannadihii ugu dambeeyey halkaa ka sii wadaan, una guntadaan sidii ay uga midho dhalin lahaayeen ujeedooyinka SONYO u taagan tahay oo ah horumarka dalka. “Waan Idiin ducaynayaa, aniga oo idinla dardaarmaya. Xilka aad qaadeen waxaan Ilaahay idiinka rajaynayaa in uu idinku guuleeyo. Sharaf weyn ayay ii tahay in aan halkan idinku casuumo. Sidoo kale waxaan halkan hambalyo uga dirayaa Guddoomiyaha xilka wareejiyey Mr. Mubaarik iyo golihiisii ay xilka wada hayeen oo runtii mudadii ay joogeen wax badan dalladda iyo dhallinyarada u qabtay. Guddoomiye Siyaad iyo kooxdiisa cusub aan u ducayno innaga oo garab taagana aan u shaqayno dalkeena iyo dhallinyaradeena” ayuu yidhi Siciid Sh. Cumar.

Guddoomiyaha xilka SONYO ku guulaystay Mudane Siyaad Cumar Cali oo isna casho sharaftan ka hadlay ayaa u mahad celiyey Mulkiilaha huteel Summer Time oo uu ku tilmaamay nin dhallinyaro ah oo hal-abuur lagu daydo la yimid maantana ah ganacsade weyn. Siyaad Cumar Cali waxa uu ballan qaaday in uu SONYO ku hogaamin doono caddaalad iyo sinnaan dadaalkiisana aanu waxba kala hadhi doonin horumarinta dhallinyarada.

Dhinaca kale Guddoomiyaha dalaldda SONSAF Mudane Mustafe Sacad Dhimbiil ayaa u mahad celiyey golihii hore ee SONYO isaga oo Golaha sare ee cusub ee xilka la wareegay kula dardaarmay in ay SONYO isku wadaan kana shaqeeyaan sidii ay midnimada dalladda wax walba uga horraysiin lahaayeen iyana dhinacooda arrinkaasi aanay waxba kala hadhi doonin maadaama SONYO xubin muhiim ah ka tahay xubnaha ku bahooday SONSAF.

Guddoomiyihii hore ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani oo isna ereyo kooban madasha ka soo jeediyey ayaa mahadnaq ballaadhan u soo jeediyey Mulkiilaha Summer Time Hotel Mudane Siciid Sh. Cumar oo uu ku tilmaamay qof ku dayasho mudan isaga oo dhinaca kalena dardaaran ballaadan u soo jeediyey Hogaanka cusub ee xilka uga dambeeyey oo uu ku tilmaamay rag hanan kara hogaanka culus ee SONYO isaga oo ballan qaaday in ay is barbar taagi doonaan hogaanka cusub oo ay la shaqayn doonaan ka dhallinyaro ahaan.

Toddobaadkan ayay ahayd markii Hogaanka cusub ee dalladda SONYO ku guulaystay ay xilka si rasmi ah ugala wareegeen golihii lixaad ee dalladda ee uu hogaamin jiray Mubaarik Ismaaciil Taani iyada oo hogaanka cusubi xilka SONYO hayn doono mudada labada sanadood ah ee soo socda Haddii eebe Idmo iyada oo ay taariikhda markii koowaad ee SONYO noqotay in ay hogaankaasi yimaadaan labada xubnood oo ka soo kala jeeda Gobolada Awdal iyo Sool ee Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here