Mujaahid Xasan Guure Oo Sheegay Inay Dembi Ku Tahay Dalka In Lagu Eego Wasiiro Xilkoodii Gudan Waayay

0
34

HUBAAL TV: “wasiirada leh waxaa la qaban maayo, inaan la qaban iyo inaan la qabanin waxay ku xidhan tahay inaad xilkiina gudataan iyo inaydaan gudan,waxaana u muuqata inaydun gudan waydeen”

Hrageysa (Hubaal) Guddoomiyaha madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka mujaahid Xasan Guure ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka soo food saartay,waxaana uu sheegay in loo baahan yahay wadatashi waa sida uu hadalka u dhigaye dalka lagu badbaadiyo,sidoo kalena waxa uu mujaahid xasan Guure u jawaabay wasiiro uu sheegay inay shaqadoodii ka soo bixi waayeen,isla markaana ay hawlo aanay shaqo ku lahayn faraha la galay,waxaana uu guddoomiyuhu ku tilmaamay hadalada ka soo yeedhaya xubnaha wasiirada ah wax aan xal u noqonayan in dalka laga saaro xaaladda adag ee uu ku jiro.

xasan guurekulan maanta ka dhacay hotel Maansoor oo madashasha wadatashiga iyo labada xisbi mucaarid ay kaga hadleen arrimaha doorashooyinka ee dalka ku soo fool leh halkaas oo ay si wada jir ah isula qaateen waa labada xisbi mucaarid iyo madasha wadatashiga in la xoojiyo go’aamadii ay xisbiyada mucaaridku ka qaateen haddii doorashadu dhici weydo 26-ka June ee sanadkan aynu ku jirno

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here