Millatariga Somaliland Oo Tallaabo Ka Qaaday Budhcad Gaadiidka Ku Baadhan Jiray Jidka Isku Xidha Laascaanood Iyo Garoowe

0
44

Hargeysa (Hubaal) — Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hawlgal dhinaca ammaanka ah ka fuliyey degaanka la yidhaah Buuro-wadal oo u dhaw tuulada Tuko-raq oo ku taal duleedka magaalada Garoowe ee xarunta u ah Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

ciidanka qararnkaMa jiro war rasmi ah oo ciidanka qaranka iyo dawladda Somaliland ka soo saartay hawlgalka millatarigu ka fuliyeen degaanka Buuro-wadal oo uu maro jidka laamiga ah ee isku xidha Laascaanood iyo Garoowe, balse Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey xalay in ujeedada ciidanka qaranku hawlgalkaas u fuliyeen la xidhiidho sidii ay meesha uga saari lahaayeen kooxo budhcad ah oo ka tirsan maleeshiyaadka la baxay Khaatumo, kuwaasoo halkaas dhawr jeer ku baadhay gaadiidka rakaabka ah ee isticmaala jidka laamiga ah.

Waxa xoguhu tibaaxeen in ciidanka qaranku si nabadgelyo ah ugu guulaysteen inay kooxda budhcada ah meesha ka saaraan, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo hawlgalkaas ka dhashay, tallaabadaas oo qayb ka mid ah hawlmaalmeedka sida caadiga ah ay ciidanka qaranku ugu sugaan ammaanka degaannada ku yaal xadka Somaliland.

Dhinaca kale, sida lagu baahiyey qaar ka mid ah shabadaha wararka ee internet-ka, ciidanka qaranka ayaa hore u dhaafay degaanka Buuro-wadal, isla markaana gaadhay tuulada Tuko-raq oo wax yar u jirta magaalada Garoowe, halkaasoo ay muddo saacado ah joogeen, kadibna dib uga soo baxeen.

Degaanka Tuko-raq oo u dhaw meesha la yidhaah Buuro-wadal ee ciidammada Somaliland hawlgalka ka fuliyeen ayaa xarun u ahayd maamulka Gobolka Sool ee dhinaca Puntland, waxayna ku taal kastamka dhinaca woqooyi ka xiga magaalada Garoowe.

Ma jiro wax dagaal ah oo ka horyimi ciidammada Somaliland, marka laga reebo xabbado kooban oo ay ilaalada wasiir-ku-xigeenka ammaanka ee Khaatumo, Faysal Falaalug is-wedaarsadeen ciidanka Somaliland ee degaankaas qabsaday, waxana dadka badankoodu qabaan in ujeeddadoodu ahayd inay halkaasi ka eryaan maamulka ay fadhiisinka u ahayd.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka dhalanteedka ah ee Khaatumo oo halkaas maalmihii la soo dhaafay ka waday olole wacyigelin ah, ayaa sheegay in Puntland iyo Somaliland ku heshiiyeen inay la dagaallamaan maamulka Khaatumo.

“Ciidammada Somaliland waxay soo mareen ciidammadii Puntland iyagoon xabbad ku ridin, waxayna raadinayeen inay qabtaan masuuliyiinta Khaatumo, umana baahna markhaati oo mar hore ayey tanoo kale dhacday,” ayuu yidhi Wasiirka Diinta, Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee maleeshiyaadka Khaatumo, Maxamed Cali Cartan oo ku sugan tuulada God-qaboobe oo 18km Garoowe ka xigta dhinaca Tukaraq.

Faysal Jaamac Aadan oo ah suxufi ku sugan degaankaas, ayaa saxaafadda u sheegay in ciidan xoog leh si kadis ah soo galeen halkaas, mana jirin ayuu yidhi wax dhib ah oo ay dadka degaanka u geysanayeen.

“Tukaraq 50 km ayay u jirtaa magaalada Laascaanood, ciidammada Puntland oo booliis ah ayaana ku sugan meel 8km u jirta Laascaanood, wax ciidamo millateri ahna ma joogaan, taasina waa midda u saamaxday inay si fudud gaadiidka ciidammmada Somaliland u dhex jibaaxaan degaanada Puntland ka taliso,” ayuu yidhi Faysal.

Kastanka Puntland ayaa maqribnimadii oo aan soo maray buu yidhi wariyuhu si caadi ah ayey hawshiisu u socotay, waxana halkaas ku sugnaa taliyaha qaybta booliska Puntland, Aadan Maxamed Cabdi Geelle, kamana muuqan wax dhiilo ah.

Illaa hadda ma jirto hadal maamulka Puntland ka soo baxay oo ku saabsan Tukaraq oo ciidamada Somaliland la muddo kooban maanta la wareegeen iyo cid kale oo ka hadashay tallaabadaas, iyadoo ay noqonayso markii labaad ee ciidammada Somaliland ka saaraan xubnaha maamulka Khaatumo degaankaas iyagoo ciidammada Puntland joogaan tuuladaas.

jamhuuriya

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here