Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub, Donald Tusk ayaa maamulka cusub ee Donald Trump ku daray diwaanka khatarta Midowga Yurub uga imaaneyso dibedda.
Warqad uu u diray hogaamiyayaasha Midowga Yurub, ayuu ku sheegay in hadallada ka soo yeedhaya madaxweyne Trump ay khilaafsan yihiin siyaasadda arrimaha dibedda ee uu Mareykanku ku dhaqmayay todobaatankii sano ee la soo dhaafay.
Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub, Donald Tusk ayaa ku baaqay midnimada xubnaha dalalka ka ah Midowga Yurub. Tusk ayaa sheegay in Midowga Yurub uu wajahaya caqabadihii ugu xooganaa tan iyo markii la aasaasay.
Donald trump ayaa Midowga Yurub ku tilmaamay gaadhi uu Jarmalku ku adeegto. Wuxuu ammaanay go’aanka ay Britian uga baxeyso Midowga Yurub. Qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Yurub ayaa sidoo kale ka walaacsan hadaladii uu ololihiisa ka sheegay Mr Trump.
Waxa ay si gaar ah uga walwalsan yihiin jilicsanaanta uu u muujiyay Ruushka, iyo fekerka uu ka aaminsan yahay gaashaanbuurta NATO iyo Midowga Yurub.