Midawga Yurub Ma Maamulaan Xalka Umadda iyo Jaangooynta Hoggaamineed Ee Xukuumadda

0
38

Somaliland iyo Beesha Caalamka

Somaliland dal ahaan waxay xidhiidh qoto dheer la leedahay beesha caalamka, waxaanay ahmiyad gaar ah siisay xoojinta xidhiidka caalamiga ah iyo dublamaasiyadda.

EUTan iyo markii ay Somaliland daboolka ka qaaday furitaanka hanaanka xisbiyada badan, hadii aan si kale u sheego markii tartanka loo galay ururada siyaasadda ee ay ka soo baxeen saddexdii xisbi qaran UDUB, UCID iyo KULMIYE oo maanta haya hogaanka dalka, kuna guulaystay sanadkii 2010-ka, waxaa isa soo taraayey xidhiidhka ay Somaliland la lahayd beesha caalamka, taasina maanta heerka ay marayso waa la wada ogsoon yahay.

Xidhiidhka u dhaxeeya waddamada hourmaray iyo Somaliland waa mida keentay in maanta aqoonsi buuxa ay siiyaan qaar ka mid ah goloyaasha deegaanka wadanka Britain, gaar ahaana labada magaalo ee Sheffield iyo Cardiff. Maaha mid ku timi dhayal iyo habacsanaan ee waxay ku timi dadaal iyo dawladnimo taam qaaday.

Somaliland dhismaha dawladdnimo waxaa gacan ka gaystay wadamada aynu soo sheegnay, laakin inta badan waxaa iskood u gaadhay reer Somaliland oo sees adiga u dhigay jiritaanka dawladda.

Aan dib ugu soo laabto qormadayda oo runtii hordhaceedu ila taraaray, kana raali ahaada. Somaliland xukunka xeerarkeeda cid ay kala tashaynaysaa ma jirto, ma dhici karto cid khasab kaga dhigi karta, waana arrin ma dhacdo ah oo aanay marnaba aqbali karin dadweynaha Somaliland.

Midawga Yurub arrimaha qisaasasta ah ee dhawaan laga fuliyey Somaliland inay ku doodaan xaq maaha waxaa uga haboon inay ka hadlaan arrimaha ictiraafka oo ay Somaliland baahi weyn u qabto, mudo dheerna ugu jirtay halgan dheer.

Guud ahaan wadamada reer galbeedka hadii ay maanta ka hor yimaadaan xalka ay xukuumadda Somaliland ugu jirto maaraynta mushkiladaha ku noqday dadweynaha, taas oo runtii markii la fuliyey ay madaxweynaha ku bogaadiyeen go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay. Xukuumadihii kala duwaana ee Somaliland soo maray mid kaliya oo ka hadashay ama joojisay fulinta xukunka dilka ah may dhicin.

Midawga Yurub waxaan odhan lahaa dib uga fiirsada hadalada idinka soo baxay ee aydaan daraasada ku samayn.

W/Q: Weli Cabsiiye

Cabsiiye8897@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here