Mid Kamid ahaa Halyeyadii Dhidibada U Taagay Qoritaanka Afka Soomaaliga Oo Saaka Geeriyooday

0
34

Muqdisho: (Hubaal)-Allaha u naxariistee waxaa saaka ku geeriyooday Cisbitaal ku yaal magaalada Muqdisho Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ka mid ahaa hal abuuradii ugu waaweynaa Soomaalida, isla-markaana dhibibada u taagan Qorista Afka Soomaaliga.

Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare ayaa mudooyinkan xanuunsanayey, waxaana dhowaan arrimo caafimaad loogu qaaday dalka isu taga Imaaraadka Carabta.

 kadaree

Allaha u naxariistee geerida Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare waxaa u xaqiijiyay geeridiisa warbaahinta ehellada marxuumka oo sheegay inuu ku dhintay Isbitaalka Umadda ee Magaalada Muqdisho, kadib xanuun mudooyinkan uu la jiifay.

Dr. Kadare ayaa ahaa nin aad looga yaqaanay dhulalka Soomaaliyeed, waxaana uu lahaa taariikh lama ilaabaan ah, waxaa ka mid ahaa Gudigii qoray af Soomaaliya, waxaa uu ahaa nin suugaanyahan ahaa.

Waxaa uu bartay cilmiga afafka kala duwan, isagoo muddo dheer ka mid ahaa Akadeemiyada Fanka dhaqanka iyo Suugaanta.

himilomeda

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here