“Guriga Imika Madaxtooyada U Ah Somaliland Maaha Mid Shakhsi Leeyahay Ee…”
Nairobi, (Hubaal)-Gen Morgan oo hore u ahaa taliyihii wakhtigii xukunka uu hayay Maxamed Siyaad bare, isla markaan dagaalladii SNM la gashay Taliskaa lagag guulaystay in laga saaro dhulka Somaliland ayaa ka hadlay guriga Madaxtooyada Somaliland oo wakhtigaasi la dhisay isagoo sheegay inuu gurigaas ka dhexeeyo Somaliya oo dhan sida uu hadalka u dhigay.
Gen Morgan oo bulshada Somaliland ku dhaqan ugu jira kaalinta gacanku dhiiglenimo ee xasuuqa ka gaystay wakhtigii taliskii Siyaad Bare xukumayay Somaliya oo ay ku jirto Somaliland.
Gen Morgan oo wakhtigan ku sugan dalka Kenya ayaa sheegay in uu isagu ahaa qofkii dhisay guriga Madaxtooyada Somaliland oo wakhtigaasi ahaa mid ka mid ah guryaha laga soo abaabulo xasuuqa loo gaysanayo dadka Somaliland, sidaa wuxuu ku sheegay waraysi uu ka qaaday Gen Morgan Wariye Cali Xaraare“Guriga imika Madaxtooyada u ah Somaliland, maaha mid shaqsi leeyahay ee waa mid ka dhexeeya umadda Soomaaliyeed ee maaha mid shaqsi leeyahay.”