Iyada oo wakhtigii xukuumadda madaxweyne siillaanyo loo doortay kursiga madaxtinimada dalka oo ku beegnayd 27-july-2010 ay muddo koobani ka hadhsan tahay ayaa waxaan qormaydan ku qaadaa dhigi doonaa isbarbar dhig dhinacyo badan leh oo aan ku samayn doono xukuumadda tallada haysa ee madaxweyne Ahmed Mohamed Mohamoud (Siillaanyo) iyo xukuumadii hore ee uu gadhwadeenka ka ahaa Madaxweynihii hore ee somaliland Mudane Daahir Riyaaale Kaahin, kuwaas oo qodobo dhawr ah iska shabaha balse meelo badan ku kala duwan
Anigoo si kooban u dulmari doona mawduucyadaasi ama qodobadaasi oo ah kuwo akhristayaasha soo jidan doona waxaan si kooban u soo qaadan doonaa mawduucyo dhawr ah oo aad hoos ka arki doontaan
sababta igu dhalisey in aan qoraalkan qallinka u qaato ayaa ah ka dib markii xukuumadda siilaanyo soo qaadatay wakhti badan oo ah muddo lagu qiimayn karo dhaliisheeda iyo waxqabadkeeda iyo in bulshada inta qalinka quudata aan la wadaago isbedelada dhacay muddadaas shanta sanno ku dhaw si bulshada inta aan ka warqabin ay xogogaal ugu noqdaan meelaha ay xukuumaddu ka liigaysa , meelaha ay awooda badan ku leedahay iyo guud ahaan waxqabadka xukuumadda hadda jirta , kuwaas oo ah kuwo adigu akhirste ahaan aad dareemi doonto isbdelada wakhtigaasi dhacay iyo sida ay labada hogaamiye ugu kala duwan yihiin , iyadoo markaasi ay kuu noqon doonto markhaati marag ma doona haddii uu jiro wax qabad iyo haddii ay jiraaan dhallillo , islamarkaana aad dib ugu jaleeci doonto waxqabadkii xukuumadii hore ee rayaale iyo tan hadda ee siilaanyo waxaana ka mida :-
1) Cabudhinta Saxaafadda
Siilaanyo : Labada xukuumadood waxay wadaagaan cabdudhinta saxaafada , tollow haddaba tii saxaafad ahayd goor may hiil helaysaa ayaan isweydiiyey ; haddaan soo qaato xukuumada madaxweyne Axmed siilaanyo waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay u kala daadin lahayd midnimada saxaafada xorta ah ee somaliland iyada oo xadhig iyo hirdan fara badan kula kacday qaar ka mida suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta madaxa banaan iyada oo ay waliba ugu dartay in ay xidho institution-nadii ama xarumahii wargaysyada qaar ka hawl-gali jireen oo qaar ka mida ay ilaa hadda qofuladii ay ku jabisay ku qofolan yihiin, iyada oo sidoo kale warbaahinta qaranka ee dhexda ahayd u adeegsata danta xukuumada iyo xisbiga tallada haya , dhacdadii ugu darneyd waxay ahayd markii maalin kaliya xabsiga loo wada taxaabay tiradii ugu badneyd ee suxufiyiin ah ee maalin kaliya xabsiga loo wada taxaabo oo dhamaa 21 suxuffi ; iyada oo wakhtigaasi xukuumaddu ka cadhootay qudbad telefishanka Horn cable T.v uu ku soo qaatay hadalkii dardaaranka ahaa ee munaasibaddii xil wareejinta labada madaxweyne
Rayaale : xumuumadii Madaxweyne rayaale ayaa iyada lafteeda lagu xasuusan karaa tacadiyo badan oo ka dhan ahaa saxaafada iyada oo wakhtiyo badan oo kala duwan xabsiga u taxaabtay suxuufiyiin caan ah oo gudanaya waajibaadkoodii suxufinimo , inkasta oo xukuumadaasi aaney xidhi jirin xarumaha warbaahinta
2) Ku tumashada dastuurka
Siilaanyo : xukuumada madaxweyne sillanyo waxay si ay doonto ka yeeshaa dastuurka qaranka , isagoo siduu doono u adeegsada qodobo ka mida dastuurka waxaanan ka xusi karaa xadhigii loo gaystay qaar ka mida xildhibaanada golaha wakiilada iyada oo aaney jirin meel ay dastuurka kaga qoran tahay in xadhig lagula kaco xildhibaan la soo doortay oo kursiga ku fadhiya cod shacab , iyadoo sidoo kale xabsiga loo taxaabay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ee caasimada saaxil ee berbera
Rayaale : Xukuumada madaxweyne rayaale qodobka ugu wayn ee lagu xasuusan karo marka laga hadlayo ku tagrifalka dastuurka ayaa waxaan ka xusi karaa in ay xidhatay hay’ada sharci dajinta ee golaha wakiilada iyada oo wakhtigaasi uu jirey loolan adag oo ka dhaxeeyey xukuumada iyo xisbiga maanta taladda dalka haya ee Kulmiye ,
3) Wax ka qabasho la’aanta heerka cadaalada dalka
Siilaanyo : Guud ahaan heerka cadaalada ama garsoorka dalka ayaa hoos u dhac weyni ku yimid muddadii ay xilka haysay xukuumada siilaanyo iyaga oo maxkamaduhu ama garsoorku inta ah kuwa aan u madax banaaneyn go’aamadooda ama shaqada ay shacabka u hayaan waxaana soo kordhaya cabashada dadweynaha ee go’aamada ka soo baxa maxkamadaha ; waxaana dhacda in la xidhxidho dad aan loo soo jarin waarin qabasho , waxaana tusaale u soo qaadan karnaa xadhiga inta badan ay ku kacaan ciidamada RRU-du kaas oo aan ka soo qaadan karno xadhigii lagula kacay wasiirku xigeenkii hore ee wasaarada arrimaha gudaha ee qaybta amniga oo saq dhexe ciidamadu RRD-du u dhaceen gurigiisa ; halkaas oo ay kula kaceen isaga iyo qoyskiisa falal ka dhan ah binaadannimada ka dibna lagu xukumey muddo seddex sanno oo xadhig ah iyada oo aaney jirin qodob macquulla oo ay maxkamadu u cuskatay xukunkiisa
Rayaale : Xukumadii madaxweyne rayaale oo inta badan garsoorkeeda laftiisu dhaliishiisu badneyd ayaan la barbar dhigi karin xukuumada maanta iyada oo lagu xasuusan karo xukunkii xaq daradda ahaa ee ay kula kacday siyaasiyiin caan ka ah somaliland oo ay ka mid yihiin , Eng Maxamed xaashi Cilmi , Dr Mohamed Abdi Gaboose iyo jamaal caydiid ibrahim iyada oo ka dhago adayg tay dalabyo kaga yimid saxaafada xorta ah ee caalamka iyo ururo u dooda xorriyatul qawlka
Waxyaabaha ay labada xukuumadood ku kala duwan yihiin
- Istaraatijiyadda ka midho-dhalinta aqoonsiga beesha caalamka
Siilaanyo : muddadii afarta sanno iyo badhka ahayd ee ay xilka haysay xukuumada siilaayo waxa soo xidhmay albaabo badan oo ah kuwii aqoonsi raadiska ; waxaana niyad jab ku yimid , hay’ado iyo shaqsiyaad caan ah oo u doodi jirey qadiyadda gooni isutaag somaliland kuwaas oo aan ka xusi karo Allen Micheal oo ah xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Britian , ka dib bilawgii wada hadalada somaaliya oo maxsuulkoodu noqday go’aamo madhays ah iyo aragti kala duwan oo ku dhisan midimidi ku taag , waxa sidoo kale isa soo xidhay safaarado badan oo somaliland ku lahayd dalalka caalamka kuwaas oo dhamaantood ah qaar waji gabax ku noqon kara gaadhista yoolka shicibka somaliland ee muddada dheer u soo dhabar-adaygayey in ay maruun arkaan riyadda ay aqoonsi beesha caalamka ka helaan
Rayaale : Xukuummada madaxweyne oo wax badan kaga fiicneyd dhanka ictiraaf raadinta xukuumaddan hadda jirta ; ayaa ahayd xukuumad ku adag go’aankeeda waxaaney ka soo horjeedsatay in ay geed hoostii la fadhiisato qaar ka mida maamul goboleedyada ka dhisan soomaaliya ee ay ka mid yihiin puntland,juba land , galmudug iyo ximin iyo xeeb waxaana ka go’nayd qorshe cad oo beesha caalamaka iyo wadamada geeska afrika lagaga dhalinayo aqoonsi ay somaliland ka hesho beesha caalamka
- Ku dhaqanka qabyaalada iyo kala qoqobka bulshada
Silanyo : intii uu tallada dalka hayey madaxweyne siilaanyo waxa heerkii ugu saraysay abid gaadhay ku dhaqanka qabyaalada iyada oo xataa saameyn ku yeelatay dhalinyarada ciyaartoyga ah ee laga soo xulo gobolada dalka iyada oo lagu soo xulo ciyaartaya qaabka awood qaybsiga beelaha ee 4.5 , taas oo maxsuulkeedu noqday in uu yimaado kala qoqob bulsho iyo is nacayb bulshada dhexdeeda ah waxa sidoo kale hadalada ay madax dhaqameedyada qaar la soo fadhiyaan T.V-yada iyo warbaahinta qaar
Rayaale : xukuumadii rayaale inkasta oo ay jirtay ku dhaqanka qabyaalada haddana heerka ay maanta gaadhay iyo mid u dhaw toona may gaadhin
- Dhexgalka iyo faragalinta shirweynayaasha hayadaha madaxa banaan
Xukuumada madaxweyne siilaanyo waxay dhawr jeer isku dayday in ay dufaano ku kiciso qaar ka mida shirweynayaasha hayadaha madaxa banaan iyado campaigno iyo ololayaal dad jeclaysi ah ka dhex bilawday dallada suxufiyiinta somaliland ee SOLJA iyo Ururka dhalinyarada somaliland ee SONYO iyo waliba farogalin joogto ah oo ay ku hayso hayada sharci dajinta dalka , Iyada oo qaar ka mida shirweynayaashaasi ilaa hadda ay ka sii qoyan yihiin fidnooyinkii ay dhex dhigtay , balse xukuumadii rayaale laguma aqoon dabeecada caynkan ah
- Iibka Hantidda Qaranka
Silaanyo : inkasta oo xukuumada siilaanyo ku andacooto in iibka ama lacagta lagu iibiyo qaar ka mida dhismayaasha hantida qaranka ay ku darto miisaaniyadda qaranka , haddana taasi waxa kuu cadaynaya in aaney jirin baahi keeni karta in la iibiyo hanti qaran oo lagu kabo miisaaniyadda qaranka , mana jirto qandaraas dhul banaan ama dhisme iibkiisa xukuumaddu baahiso marka laga tago dhismihii hore ee wasaarada duulista iyo hawada oo xukuumaddu qandaraaskeeda baahisay islamarmkaana budget-keeda lagu daray miisaaniiyadda qaranka
Rayaale : xukuumadii riyaale ayaa iibkii ugu badnaa ee hantida qaranka bilawday dhamaadkii xilli mudeedkeedii iyadoo iibisey dhismayaal badan iyo dhul banana oo inta badan lacagta ka soo baxdana ay noqon jireen kuwo hawada lagu kala goosto
- Xadhiga haldoorka iyo birimagaydada shacabka
Sillaanyo : Xukuumada madaxweye siilaanyo muddadii ay haysay hogaanka dalka waxa ay xidhay hogaan dhaqameed fara badan , cuqaal iyo salaadiim kuwaas oo xadhigooda aan qaar ka mida la garaneyn waxa loo cuskaday waxaana ka mida Madax dhaqameed , cuqaal iyo iyo fanaaniin badan
Rayaale : xukuumada madaxweyne rayaale ayaa inta badan ka fiirsan jirtay xadhiga lagula kacayo madax dhaqameedka iyo birimagaydada shacabka
- U nuglaanta dhaliisha mucaaradka
siilaanyo : Marka laga hadlayo ka falcelinta dhaliisha mucaaradka ee u nuglaanshaha dhaliisha mucaaradka waxaan odhan karaa waa mid uga nugul tii rayaale iyada oo markiiba kaga jawaabta xadhig iyo hanjabaad,
Rayaale : madaxweyne rayaale ayaan isagu inta badan u joogin jirin hadalada ka soo yeedha mucaaradka , ama shaqsiyaadka ka mid ah bulshada isagoo inta badan kaga jawaabi jirey qaab muquurasho ah
- Ka falcelinta dalabyada bulshada iyo fulinta dhagax dhigyada
Silanyo : xukuumadaa madaxweyne siilaanyo taag kasta ha lahaatee waxay inta badan 60% fulisaa balanqaadyada iyo dhagax dhigyada ay samayso, inkasta oo mashaariicda qaar yihiin kuwo dhan ka raran oo mashaariicda laga fuliyo goobo gaar ah ama deegaamo uu hogaanka dalku jeclaysanayo ama ahmiyad gaar ah ugu fadhiya madaxda qaranka , taasoo sababi karta in dalku kala koro oo gobolada qaarna ku talaabsadaan horumar balaadhan oo la taaban karo qaarna ay la kulmaan xaalad adag oo kalifi karta in ay dib uga tashadaan aayahooda , tusaale waxaan u soo qaadan karnaa gobolka awdal oo ka mida gobolada ugu dadka badan Somaliland in uu soo gudbiyey tabasho dhanka awood qaybsiga xukuummada ah taas oo aan ilaa hadda cidina dhag jalaq u siin
Rayaale: halka xukuumadii rayaale ay balanqaadyadeedu u badnaan jireen qaar aan hirgalin ama qaata wakhtiyo ka badan ta xukuumada siilaanyo balse ku base-gareysa qaab awood qaybsi goboleed ah
- Kor u qaadista bilicda iyo dhismayaasha xarumaha dawladda
Siilaanyo :
intii uu xilka hayey Madaxweyne silanyo waxa badiba qurxin iyo dib u dhis lagu sameeyey badiba hayadaha kala duwan ee dawladda waana mid ka mida waxqabadka xukuumada siilaanyo ku faanto , halka qalabka lagu shaqaynayo ee dhex yaalana u badan yihiin kuwo cusub
Rayaale : xukuumada Madaxweyne rayaale hormoodka ka ahaa ayaan iyadu inta badan xooga saari jirin dhanka bilicda iyada oo badiba dhismayaasha wasaaraduhu u badnaayeen qaar qadiimi ah oo ay hoos yaaleen agab aan tayadiisa wax soo saar fiicneyn
- Protocol-ka nidaamka dawladnimo iyo kala danbaynta
Sillanyo : xukuumada siilaanyo waxa ka jira jahawareer dhanka nidaamka dawladnimo ah; waxaana inta badan bulshada isaga dhex jira cida ah afhayeenka rasmiga ah ee xukuumada , tusaale haddaan u soo qaato safarkii madaxweyne siilaanyo ee loogu magacdaray safarka buuraha iyo banaanka waxa tiraba saxaafada la hadlayaye oo ka warbixinayey socdalka madaxweyne ku dhawaad seddex wasiir taas oo nidaamka maamul ee xukuumadiisa wiiqaysa
Rayaale : Inta badan waxa xukuumadiisa kaga fiicnayd ta hadda jirta dhanka nidaamka dawladnimo waxaa jirey afhayeen madaxweyne iyo afhayeenka rasmiga ah ee xukuumada oo ah wasiirka wasaarada warfaafinta kuwaas oo mid waliba waajibaadkiisa shaqo ee loo jideeyey raaci jirey
10.Xidhiidhka ay la leeyihiin golayaasha qaranka
Siilaanyo: Xukuumada madaxweyne siilaanyo ayaa waxay inta badan hanatay kalsoonida aqalka odayaasha iyo wakiilada iyada oo inta badan mooshinada la hor keeno golayaashi ay u badan yihiin qaar lagu ansixiyo duuduub
Rayaale : Halka xukuumadii riyaale ay jireen mucaarad iyo mucaafid isku dhaw dhaw oo marmarka qaar ay dhici jirtey in hal cod lagu kala guulaysto mooshinaduna ay noqon jireen qaar laga doodo oo xaaxaasi ah islamarkaana mudanayaashu u helaan wakhti ay soo naaqishaan
11.Xal u helidda xaaladaha dagdaga ah
Silanyo : xukuumadda siilaanyo ayaa ah mid had iyo jeer ku jaha wareerta xal u helida xaaladaha dedgega ah ee u baahan in laga qaato xal waara oo degdega tusaalle ahaan waxaan u soo qaadan karnaa arrinta suldaanka falaagoobay ee suldaan wabar ee ku jira buuraha gobolka awdal taas oo aaney ilaa hadda xukuumaddu xal waara ka gaadhin sidii loo furdaamin lahaa arrinkaasi
Rayaale : xukummada madaxweyne Rayaale oo aheyd mid inta badan kaga fiican go’aan qaashada (decision making ) xukuumadan hadda jirta ayaa waxaan tusaale u soo qaadan doonaa go’aankii degdega ahaa ee uu gaadhay Mr Rayaale iyada oo aan ka xusi karno , in madaxweyne rayaale markii uu xilka qaranka la wareegay 2003 uu booqasho shaqo ku tagay magaalada laascaanood ee gobolka sool , iyada oo ciidamo nabad diid ah ay weerar qaawanaan iyo hujuum aan waxba loola hadhin ku soo qaadeen waftigii madaxweynaha , isla markaana madaxweynuhu isaga oo u tudhanaya ama ka fikiranaya in dhiig shacab ku daato goobtaasi uu go’aan degdeg ah ku qaatay in isaga iyo waftigiisu iskaga soo baxaan , isaga oo madaxweynuhu markaasi watay baabuur tikniko ah oo ku dhaw boqol gaadhi oo awoodi karayey in ay cagta mariyaan maleeshiyaadka isa soo bahaystay ee nabad diidka ah
- Wax ka qabashada tahriibka iyo shaqo la’aanta da’yarta
Silanyo : xukumadda uu gadhwadeenka ka yahay Ahmed Mohamed siilaanyo intii ay haysay hogaanka dalka waxa korodh weyni ku yimid dhalinta ka baxaysa dalka (out migration) iyo shaqo la’aan baahsan (massive unemploymnet ) waxaana dhalintaasi tahriibka qaar badan oo ka midi ku ladeen saxaraha u dhaxeeya suudan iyo liibiya , halka qaar ku naf waayeen badweynta muetrinian-ka ee u dhaxaysa libiiya iyo talyaaniga waxa meesha ka baxay jiilkii cusbaa ee mustaqbalka dhaw badali lahaa kuwa maanta shaqeynaya ama kuwa ku dhaw da’dii hawlgabka ( retirement age ) iyada oo dunida lagu xisaabtamo ama ahmiyad gaar ah la siiyo dhallinyarada oo ah cududa dal ku dhaafi karo dal kale , xukuumadda oo wakhtigii ay ku jirtay barnaamijkeedii ololaha doorashadii 2010-kii (political program ) ayaa marar badan ku celcelisay in ay wax ka qaban doonto iyada oo aan ka xusi karno halku dhigyadii ay wakhtigaasi ku beerlaxawsan jirtay dayarta oo ay ka mid ahaayeen ‘’UDUB way tagaysaaye ha tahriibin walaal’’ waxayse qodobadaasi noqdeen kuwo ay kaga baxaysay doorashada oo aan dib loo soo hadal qaadin
Rayale : madaxweyne rayaale wakhtigiisii inkasta oo aaney jirin fursaddo shaqo oo linjax u noqon kara shaqo la’’aanta dayarta ama tahriibka , haddana waxa jirtay fursado shaqo oo dhinaca hayadaha dawliga ah iyo kuwa caalamiga ah waxaana jirtay furfurnaan dhanka ganacsiga ah iyada oo ay yarayd ardayda kumaaanka dhaaftay ee sannad walba ka baxaysa jaamacadaha ee aan loo hayn ajande cad oo lagu hago ama qorshe lagu jiheeyo
Qalinkii : Ahmed Moh’ed Cisman caalin
Email : caalin178@hotmail.com
Facebook address: Ahmed caalin