Micnaha Reysal-wasaare ku-xigeen Faqad ah…?
Muqdisho,(Hubaal)_Reysal-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Shar-maarke, ayaa xalay dib ugu dhawaaqay Xukuumad ka kooban Wasiirro, Wasiir-u-dawleyaal iyo Wasiirro ku-xigeeno, taasoo uu kaga dul-guuray labatankii Wasiir ee uu todobaadkii hore magacaabay ee hor-dhaca u ahaa dib u soo magacaabista Xukuumad ka muuqaal duwan Golihii Baarlamanku ku celiyey badhtamaihii bishii January.
- Cumar, ayaa shaxda xukuumadda uu mar saddexaadkii ku dhawaaqay u soo dhigay si la mida qaabkii ay hore Baarlamanku uga diideen ee saami-qaybsiga ahayd, waxaannu magacaabay Golle Wasiirro oo tiradooda guud dhantahay shan iyo lixdan xubnood, kuwaasoo sida kuraasta loogu kala magacaabay lagu jaan-gooyey khariirada 4.5-ka ee federaaliga ah.
Astaamaha ay xukuumadda xalay dib loo magacaabay wadaagaan tii Baarlamanku diiday waxa ka mida, magacaabista reysal-wasaare ku-xigeen Faqad ah, hase ahaatee waxaan ka dhex muuqan magacyada xubno soo taagnaa ilaa xukuumadii u horaysay ee Cabdi Faarax Shirdoon, oo uu ka mid yahay Wasiirkii Garsoorka iyo Cadaaladda Faarax Dheere.
Reyal-wasaare CCC, ayaa u magacaabay kursiga ku-xigeenka Reysal-wasaaraha oo faqad ah, siyaasiga Maxamed Cumar Carte Qaalib, oo uu xukuumaddii labaatanka wasiir ka koobnayd ka dhigay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha. Ahna reysal-wasaare ku-xigeenka, waxaana mr. Carte uu kala laabtay mansabkii Wasiirnimada ee uu u raaciyey markii hore, kaasoo uu hada Masuul kale u magacaabay.
Taasoo mar kale iftiiminaysa in muuqaalka xukuumadda Reysal-wasaare ku-xigeen Faqad ah lehi micno gaar ah u samaynayso siyaasada Federaalism-ka .
Gobanimonews