Maxamed Cumar Carte Oo Ka Hadlay Doorashada Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya+ Farriin Dardaaran ah oo uu Ku Ladhay Dareenkiisa

0
54

Muqdisho (Hubaal) -Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda waqtigeedu dhammaaday ee Soomaaliya ahna xildhibaan golaha baarlamaanka ka tirsan Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa ka hadlay doorashada caawa ay xildhibaannada baarlamaanku u doorteen madaxweyanaha cusub ee dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo).
Sida ay caawa baahisay radio Muqdisho isla markaaana degelkeeda internetka ku daabacday Maxamed Cumar Carte ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee ku guulaystay doorashada madaxtinimada ee dalka Soomaaliya hoggaamin doona afarta sanno ee soo socda, waxaanu shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan xukuumadda uu soo dhisi doono, isaga oo dhinaca kalena ku dardaaray Mr. Farmaajo in uu mar walba rabitaanka ummada u hoggaansamo kuna shaqeeyo masiirkooda.

“Maanta waxa ay ahayd maalin ay guul u soo hooyatay shacbiga Soomaaliyeed, guud ahaan, gaar ahaanna xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka jawaabay rabitaankii shacbiga markii ay doorteen Madaxweynaha cusub. Waxa aan Illaahay ka baryayaa in uu ku guuleeyo waajibaadka Qaran ee ku saaran”.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay si niyad sami ah u la shaqeeyaan Madaxweynaha la doortay.

“Dhamaan dadka Soomaaliyeed waxa aan ka codsanayaa in si qalbi furnaan ah u la shaqeeyaan Madaxweyne Farmaajo si aan u adkayno midnimadeena iyo dawladnimadeen si ay inoogu horseeddo nabad iyo horumar”.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kula dardaarmay in uu mar walba ku shaqeeyo rabitaanka dadka Soomaaliyeed.

carteh-1

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here