Shir Hal Maalin Socday Oo U Furmay Ergooyinka Shirweynaha 4aad Ee Xidhiidhkan Oo Isla Shalay La Soo Gebogabeeyey
Hargeysa (Hubaal) -Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ayaa shalay yeeshay shirweynahoodii afaraad, kaas oo ay ku soo doorteen hogaan cusub kaas oo hogaamin doona afarta sanno ee soo socda. Doorashadda xidhiidhka kubadda cagta oo ka qabsoontay Hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ay Guddoomiye ugu doorteen inuu hogaamiyo xidhiidhka kubadda cagta Mr. Maxamed-Amiin Cabdi Cilmi Dixood, halka Guddoomiye ku-xigeena ay u doorteen Mr. Cabdicasiis Maxamed Cilmi [fadh-fadhle], waxaana xoghaya xidhiidhka si wada-jir ah u soo dooranaya labadan masuul ee la doortay.
Munaasibadda lagu dooranayey hogaanka xidhiidhka kubadda cagta ayaa waxa ka soo qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Md. Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Sayid), Agaasimaha Telefishanka Qaranka Md. Cabdi Cali Mahdi, Agaasimaha Fullinta Dallada SONYO Mr. Siciid Maxamed Axmed, Goob-joogayaal ka socday Wasaaradda Ciyaaraha dalka Jabuuti, Marti-sharaf iyo xubnaha codka bixinayey ee Isu-duwayaasha gobolada iyo kooxaha kubadda cagta ee heerarka kala duwan ee caasimadda.
Ugu horeyn, waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye, waxaana uu sharaxaad ka bixiyey doorashadda iyo sidii loo soo agaasimay waxaanu yidhi “Maanta waa maalin xasuus mudan oo taariikhi ah, waayo waa markii ugu horeysay ee munaasibad iyo shirar noocan oo kale ah noo qabsoomaan, doorashadani waa mid ay u madax-banaan yihiin xubnaha wax dooranaya, iyaga oo soo dooranaya hogaanka xidhiihka kubadda cagta Somaliland, waxa aan doonayaa in aan halkan uga mahad-naqo guddida qaban-qaabada ee shirkan, guddida maanta la dooranayaa waaa guddi madax-banaan laakiin wada shaqayni ka dhaxeyso Wasaaradda, waxa aan soo dhaweynayaa hogaanka cusub ee maanta la dooran doono, sidoo kale waxaan masuuliyiinta iyagu xilka wareejinaya ee iyagu gartay inaanay tartamin ku amaanaya dedaalkoodii iyo wax-qabadkii ay la yimaadeen muddadii ay xilkan hayeen. Ka Wasaarad ahaana waxaanu diyaar u nahay in aanu la shaqayno isla markaana aanu la baadi doono wax kasta oo ay ku horumarin doonaan kubadda cagta”.
Waxaa iyaguna halkaasi ka soo jeeday hadalo ku saabsan wax-qabadkii ay la yimaadeen muddadii ay xidhiidhka kubadda cagta Somaliland hogaaminayeen Guddoomiyaha iyo Xoghayihii hore ee xidhiidka Mr. Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal) iyo Sacad Maxamed Shire. Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Agaasimaha Dallada SONYO, waxaana ay Wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhka kubadda cagta ku amaaneyn qabsoomida doorashadda oo si qurux baddan oo daacad ah u qabsoontay, waxaana ay tallooyin iyo dardaaran u jeediyeen guud ahaanba murrashixiintii iyo xubnihii iyagu doorashadda ka qeyb-galayey.
Intaasi ka dib waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane, kaas oo sheegay in kulankan uu yahay mid muhiim u ah xidhiidh kubadda cagta Somaliland, isla markaana ay tahay in Ergooyinku ay doorashadda uga qeyb qaataan si habsami ah, ayna si xor ah ugu codeeyaan cidda ay u gartaan in masiirkooda meesha ay rabaan ee horumar ah ku haggi kara.
Intaasi ka dib waxa si toos ah loo gudo galay xeerar ama qodobo qabyo ah oo ay xidhiidhkii hore soo sameeyay, kaas oo ay ku sheegeen inuu yahay mid Draft ah oo aan dhammeystirnayn, balse ay tahay in si ku-meel-gaadh ah loogu dhaqamo inta wax bedela laga helayo. Si kastaba ha ahaatee waxa lagu dhawaaqay in la Guda-galayo Doorashadda xubnaha Guddoomiyaha oo ay 2 xubnood u tartamayeen, halka Guddoomiye ku-xigeenkana u tartamayay hal qof oo keliya.
Waxaa goobtaas ay kaga dhawaaqeen guddida qaban-qaabada doorashaddu in ay baafiyeen cid kasta oo doonaysa inay ka qeyb qaadato Doorashadda Xidhiidh Kubadda cagta, isla markaan ay soo cod sadeen saddex xubnood soona xareeyeen CV-yadoodii. Xubnahaasi ayaa dhammaantood goobta ku wada sugnaa waxa ay guddidii qaban-qaabadu iska wareejiyeen hawshii, maadaama ay halkaas kaga eekayd, waxaana la magacaabay guddida doorashadda oo ahaa saddex xubnood, sidaasna waxaa lagu gudo galay Doorashadda hogaanka cusub, waxaana dooranayey hogaanka xidhiidhka kubadda cagta 35 xubnood oo ka kala socday dhammaan kooxaha heerarka koowaad, labaad iyo saddexaad ee kooxaha kubadda cagta caasimadda, iyo Isu-duwayaasha wasaaradda ciyaaraha ee gobolada dalka.
Doorashadda ayaa u dhacday si hufan oo cadaalad ah, iyada oo uu qof wal oo ka mid ah ergada loo dhiibay warqad ay ku yaalaan magacyadda Murrashaxiintu, waxaana uu qof kastaa ku soo calaamadinayey meel loogu talo-galay oo aanay cidina arkayn murrashaxa uu codka siiyay, isla marka waxa uu warqadaas ku ridayey sanduuq dadku wada arkayeen. Waxaana doorashadda hogaanka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland gadh-wadeen ka ahaa xubno madax-banaan, waxaana sidoo kale goob-joogayaal ka ahaa warbaahinta kala duwan iyo goob-joogayaasha ka socday waddanka Jabuuti.
Gaba-gabadii ayaa guddidaasi dhex-dhexaadinaysay doorashadda lagu soo doortay xidhiidhka kubadda cagtu ay ku dhawaaqeen codadkii la kala helay iyo sidii loogu kala adkaaday doorashaddii lagu dooranayey hogaanka kubadda cagta, taas oo Guddoomiyaha loo doortay Mr. Maxamed-Amiin Cabdi Cilmi Dixood oo helay 18 cod, halka ninka ku soo xigay ee kula tartamayey oo ahaa Mr. Cabdi Ismaaciil uu helay 17 cod. Guddoomiye Ku-xigeenkana waxaa loo doortay Mr. Cabdicasiis Maxamed Cilmi oo aanay jirin cid kula tartamaysay jagadda ku-xigeenka xidhiidhka kubadda cagta.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Mr. Maxamed Cumar Iid ah masuul ka tirsan xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti, sidoo kalena hogaainaya goob-joogayaasha ka socda wasaaradda ciyaaraha Jabuuti, waxaana uu sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin qaabka ay u dhacday doorashadda xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo uu ku tilmaamay inay ahayd mid si cadaalad ah u qabsoontay. Wuxuu sidoo kale uu xusay inay hogaanka cusub ee la doortay ay kala shaqeyn doonaan sidii loo horumarin lahaa loona tayeyn lahaa kubadda cagta.
Ugu dambeyntii, waxaa halkaasi ka hadlay murrashixiintii tartamayey waxaana ay si isku mid ah u sheegeen inay guud ahaanba ku qanacsan yihiin habkii iyo qaabkii ay doorashaddu u dhacday, iyaga oo sidoo kalena isku hambalyeeyay.