Guddoomiyaha Maxakamadda Gobolka Maroodi-Jeex Axmed Ismaaciil Dalmar (Halac) Oo Ku Dhawaaqay Xukunka Eedaysaneyaal Marag Been Ah Isu Furay
“Maxkamaddu Markii Ay Xaqiijisay Inay Nimankani Markhaati Been Ah Kusoo Heshiiyeen, Waxa Ay Ku Xukuntay…”- Magacyada Eedaysaneyaashan Oo Magacyo Aanay Lahayn U Adeegsaday Marag Been Ah Oo Ay Ku Heshiiyeen
Hargeysa:(Hubaal)-Maxkamadda Gobolka M/jeex, ayaa xukunno kala duwan ku ridday shakhsiyaad ay ku caddaatay inay si badheedh ah iskugu marag furay markhaatiyaal aan jirin, kuwaas oo isku dayey inay hab been abuur ah iskugu gargaaraan qaadashada hanti aanay lahayn.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka M/jeex Md Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa saxaafadda u shaaciyey inay xukun ku rideen laba eedaysane oo ay ku caddaatay inay si badheedh iskugu dayayeen inay markhaati been abuur ah isku furaan, isla-markaana midka markhaatiga iska dhigayey uu isku dayey inuu iska dhigo markhaati goobta ka maqnaa oo uu magaciisii adeegsanayey.
Guddoomiye Dalmar waxa uu sheegay inay ku guulaysteen fashilinta isku daygaas markhaatiga beenta ah la doonayey in lagu dhaafo kiiskaas ay maxkamadiisu gacanta ku haysay oo nuxurkiisu ahaa dhul beer ah oo la isku haystay, isagoo intaas ku daray inay xukun adag ku rideen labadii eedaysane oo khiyaamadaas lagu qabtay oo wada rag ahaa.
Guddoomiyuhu waxa uu shaaciyey magacyada ragga lagu helay inay markhaatiga beenta ah iskugu furayeen iyo ciqaabta ay dusha ka saareen,
“Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex waxa ay 17-kii bishan 12-aad ee sanadkan dembi ku heshay laba nin oo doonayey inay markhaati been ah isku furaan oo ku dhaartaan, kuwaas oo midkood sheegtay inuu yahay cidda leh magaca mid kamid ah markhaatiyo maxkamadda loo keenay, balse aanu ahayn, waxana Yuusuf Axmed Maxamed (yeelo-maayo) uu maxkamadda horkeenay Axmed Jaamac Maxamuud oo sheegtay inuu yahay Cabdilaahi Cawil Aadan oo ah nin maqan, balse markhaatiyaasha kamid ahaa. Maxkamaddu markii ay xaqiijisay inay nimankani markhaati been ah kusoo heshiiyeen inay isku furaan, waxa ay Yuusuf Axmed Maxamed oo ah ninka markhaatiga beenta ah loo furayey ku xukuntay Hal sano oo xadhig ah, halka ay Axmed Jaamac Maxamed oo ah ninka markhaatiga beenta ah furay, isla-markaana sheegtay cid aanu ahayn ay ku ridday Han sano iyo Lix Bilood oo xadhig ah.” Ayuu yidhi Guddoomiye Axmed Dalmar Ismaaciil.
Guddoomiye Dalmar waxa uu shacabka dacwadaha ku hawllan uga digay inay isku dayaan abuurista jawi kasta oo ay ku keenaan cid marag been ah u furta ama isku dayda inay iska dhigto cid maqan oo markhaatiyada kamid ah.
Sidoo kale waxa uu Guddoomiyuhu dadka ugu bushaareeyey inay ku kalsoonaadaan xukunka xukunka maxkamadda, meeshana ka saaraan warwar kasta oo ay ka qabaan carqalad la geliyo kiisaskooda iyo habsami-u-socodkoodaba, waxana uu tilmaamay inuu si caddaalad iyo sinnaani ku jirto usoo afjari doono kiis kasta oo gacantiisa soo gala.
Khaalid Cabdi Shiil oo ah Garsoorihii xukunka ku riday dadkaas markhaati Beenaalenimada lagu helay oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inuu si qoto dheer u axadhi doono dadka markhaatiyada loo wato, isla-markaana ciqaab adag marin doono cidkasta oo ay ku caddaato inay sheegayaan xogo aanay waxba ka ogoyn, iyagoo ujeeddadoodu tahay carqaladaynta dacwadda iyo waliba dheef ay ka helaan Beenta ay sheegayaan.