Hargeysa:(Hubaal)-Fadhigii shalay ee labada gole yeesheen, isla-markaana uu madaxweyne Siilaanyo ka akhriyey nuxurka heshiiska ay xukuumaddiisu doonayso inay dalka Imaaaraadka saldhig militeri kaga siiso magaalada Berbera, ayaa ahaa mid ay ku lammaanaayeen dhacdooyin tiro badan oo mudan in la xuso, isla-markaana meel ku yeeshay maanka bulshadii maragga u ahayd iyo kuwa meelaha kale ka daalacdayba.
Fadhigan oo ahaa mid noociisu ku cusbaa Somaliland, isla-markaana xambaarsanaa ujeeddo aan fahan ballaadhan laga haysanin, ayaa tan iyo markii uu madaxweynuhu dalbaday bulshada dhexdeeda siyaabo kala duwan looga hadal hayey, waxana su’aasha ugu weyni ahayd nuxurka waxa uu madaxweynuhu la shir iman doono, balse fikirradaasi waxa ay soo dhammaadeen markii uu madaxweyne Siilaanyo goobta la yimi nuxurka qoddobo aad u kooban oo heshiiska uu Imaaraadka la geli doono kamid ah.
Waxyaabihii kulankaas ku cusbaa ayey bahda wargeyska Hubaal jeclaysteen inay akhristayaashooda la wadaagaan si ay fahan dheer ah uga helaan madashii huursanayd ee uu madaxweynuhu imanayey, waxana kamid ah waxyaabihii ay ishayadu qabatay intii aanu halkaas ku sugnayn:
Qurxintii madasha:madashii fadhiga labada gole ka qabsoontay, ayaa ahayd mid qurxinteeda iyo nashaqadaynteeda wakhti badan la geliyey, waxana si weyn loogu sharraxay calanka Somaliland oo hannaan soo jiidasho leh loo nashqadeeyey.
Madaxweynaha oo uu horsocdo Safiir Baashe Cawil: diyaar garow weyn ayaa ka muuqday mudaneyaasha labada aqal ee kulankaas fadhiyey, kuwaas oo si weyn u sugayey madaxweynaha, balse waxa mar kali ah lagu war helay hugunka iyo sawaxanka imaanshaha goobta ee madaxweynaha, waxase daqiiqado kooban ka hor intii aanu madaxweynuhu madasha imananin mar kali ah lagu war helay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil, kaas oo isagu ah shakhsiga ceelalyada u ahaa saldhigga militeri ee dhegaha bulshada ku batay, waxana markiiba golaha galay guux hor leh oo ay iskugu gudbinayaan inuu madaxweynuhu hortooda ka akhriyi doono heshiiskaas.
Cilladdii Ku Timi agabka Is-maqalka fudaydiya ee golaha:Isla markii uu madaxweynuhu soo galay goobta waxa uu guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan u holladay inuu fadhiga furo, waxase soo wajahday cillad ka timi dhinaca qalabka is-maqalka fudaydiya, taas oo wakhti badan lumisay, isa-markaana hoos u dhigtay xiisihii fadhiga, balse mar dambe cilladaas waa la saaray, waxana lagu guulaystay in is-maqal goluhu noqdo mid saamaxaya in qudbadda madaxweynaha si waafi ah loo dhegaysto.
Aayado ka hadlaya culayska ammaanada oo fadhiga lagu furay:Mudanihii uu guddoomiye Saleebaan u igmaday inuu Aayado Qur’aan ah u ku furo fadhiga, ayaa akhriyey Aayado ka hadlaya culayska masuuliyaddu leedahay, kuwaas oo inta badan mudaneyaasha geliyey qiiro kooban oo intoodii fahmaysay muddo kooban maskaxdooda kusoo noqnoqnaysay.
Garoocashadii madaxweynaha ee hadal uu hore u yidhi wasiir Maxamuud Xaashi:hadalkii uu madaxweyne Siilaanyo u jeediyey mudaneyaasha, ayuu qayb kamid ah ku weeraray cidda mucaaridka ku ah saldhigga militeri ee xukuumaddiisu doonayso, waxana uu dhaliishiisaas u adeegsaday erayo ku jirey hadal uu dhawaan wasiirkiisa madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi jeediyey, kaas oo uu ku difaacay saldhigaas.
Gunuuskii isku lifaaqnaa ee mudaneyaasha kala aragtiyaha duwanaa: Mudaneyaashii fadhiga joogay, ayaa gunuus hoose oo aan la fahmi Karin bilaabay markii uu madaxweynuhu hadalkiisa bilaabay, waxase uu gunuuskoodu u badnaa inaanay isku wada raacsanayn taageerada heshiiskaas.
Sacab iyo Sawaxan ay Koox qorshaysani tumayeen:Sidii caadadu ahayd waxa kuraasida dambe ee aqalka golaha guurtida oo fadhigani ka dhacayey ku sugnaa koox haween iyo shaqaale kale oo madaxtooyada ah u badan, kuwaas oo sawaxan mushxarad iyo sacab badani raaceen ku taageerayey hadalka madaxweynaha, kuwaas oo golaha si weyn looga dareemay.
Maqnaanshihiii wasiirka arrimaha dibadda oo arrinta fure u ahaa:Inta badan dadkii halkaas ku sugnaa waxa ay tebayeen oo raacdadiisa ku jireen wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Sacad Cali Shire oo loo arkayey inuu fure u ahaa heshiiskan, isla-markaana aan la’aantiis wax badani hirgeli Karin, balse maqnaanshihiisa, ayaa loo fasirtay inuu kasoo horjeedo nidaamka madaxtooyadu u waddo, maadaama xataa hadal hayn ah inuu is casilayaa soo baxayeen.
Buuqii mudaneyaasha badheedhay ee heshiiska diiddanaa: Markii uu madaxweynuhu hadalkiisa dhammeeyey waxa bilaabmay buuq iyo sawaxan qorshaysnaa oo ay mudaneyaasha mucaaridka ahi halkaas ka muujiyeen, waxana iyaga oo kor u qaylinaya ay guddoomiyaha ka dalbanayeen in goleyaasha la horkeeno nuqul kamid ah heshiiska, balse cid dheg jalaq u siisay may jirin oo wasiirka duulista, ayaa iska sii watay akhrinta qoddobo kooban oo heshiiska kamid ah.
Amarkii cuslaa ee Saleebaan Ku Bixiyey In dibadda loo Tuuro xildhibaannada Heshiiska diidanaa iyo garaacistii ciidanku u geysteen: qaylo iyo sawaxan ay qaar kamid ah mudaneyaasha wakiillada ee heshiiskan diidanaa kala hor tageen gudo-galka heshiiskaa, ayuu guddoomiye Saleebaan bixiyey amar degdeg ah, waxana uu ciidamada ka codsaday inay dibadda u saaraan xildhibaanadda diidmada muujiyey, kuwaas oo jidh-dil u geytay mudaneyaal qaarkood da’ ahaayeen oo saxaafadda hortooda lagu jiid jiiday.
Bixitaankii Guddoomiye Cirro ee Shirka: Guddoomiye Cirro oo isagu ku sugnaa garabka midig ee guddoomiye Saleebaan, ayaa markii uu arkay xildhibaanadii la mawqifka ahaa oo la garaacayo waxa uu go’aansaday inuu shirkaas dibada uga baxo oo dhibaatada la qaybsado mudaneyaasha ay isku fikirka yihiin ee shirka laga saaray.
Xulashada labadii Mudane Ee Saleebaan u Ogolaaday Inay Afka golaha aragtidooda kusoo jeediyaan: markii uu guddoomiyuhu ku guulaystay inuu dibadda dhigo dhammaanba xildhibaanadii diidanaa in saldhiggaas la oggolaado waxa uu guddoomiye Saleebaan gudo galay inuu nuxurka heshiiska ee hortiisa yaalla labada gole ka ansixiyo, waxana uu hadalka siiyey laba mudane oo caan ku ah guul-wadaynta, isla-markaana labada gole ee guurtida iyo Baarlamaanka ka kala tirsan, kuwaas oo kala ahaa Xildhibaan Ruush iyo Maxamed Xaashi Cabdiraxmaan, waxana ay labadooduba si isku mid ah u sheegeen inay soo jeedinayaan in heshiiska duuduub lagu ansixiyo, taas oo ay si fudud gacanta ugu taageen.