Xildhibaan Ka Tirsan Masuuliyiinta Sarsare Ee XisbigaWADDANI Oo Soo Dhaweeyey Xukunka Ay Maxakamaddu Ku Riday Boqor Buur Madow
Hargeysa(Hubaal)-Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Hargeysa, ayaa Khamiistii xukun shan sanno oo xadhig ah ku xukuntay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud oo ka mid ah madax-dhaqameedka ugu magaca dheer Somaliland. kadib markii saaka la keenay maxkamadda. Boqor Cismaan, wuxuu guddoomiyaha maxkamadda gobolka, ahna garsoorihii xukunka riday Axmed Dalmar Ismaaciil u cuskaday xukunkiisa, wuxuu ku sheegay in Boqor Cismaan denbi ka galay qaranka, wuxuuna ku dhawaaqay xukunka uu ku riday. Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa idaacadda BBC-da u sheegay in xadhiga Buurmadow yahay saddex dambi oo lagu helay. waxa lagu helay in uu hadal ka dhan ah Somaliland iyo qaddiyaddeeda jeediyay iyo in uu madaxweynaha Somaliland ka been abuurtay iyo iyo in uu garsooraha xukunka ridayay aflagaadeeyay isaga oo yidhi ” Ku dhawaaq xukunka waa laguu soo dhiibaye,”. Boqor Buurmadow ayaa markii la xukumay loo dhaadhiciyey jeelka weyn ee magaalada Hargeysa.
Xildhibaan Ibraahin Carraale oo la socday Boqor Cismaan, ayaa sheegay in nidaamka dacwada xukunka ku dhacay Boqor Cismaan aanu ahayn mid waafaqsan nidaamka garsoorka, isla markaana laga diiday Boqor Cismaan inuu qabsado qareeno si uu isu difaaco, taas oo Xildhibaanku sheegay inay ahayd xaq dastuuri ah oo muaadinku leeyahay. Sidoo kale Xildhibaan Ibraahin Carraale, ayaa sheegay in Boqor Cismaan laga diiday dalabkiisa ahaa in laga bedelo garsoorahaa dacwada gacanta ku hayay, balse aan waxba laga dhegeysan, isla markaana uu xukunka sidaa ugu riday, isagoo ku xukumay 5 sanadood oo xabsi ah, wuxuuna Xildhibaan Ruush Arrimahaa ku tilmaamay kuwo aan nidaamka garsoorka iyo cadaaladda waafaqsanayn.
Xildhibaan Ibraahin Ruush, wuxuu sheegay in aanay ku fiicnayn dowladnimada iyo madax-bannaanida garsoorka Somaliland,wixii ka dhacay Maxkamadda oo sida uu sheegay uu goob joog u ahaa, isla markaana aan loo ogolaan Boqor Cismaan inuu is difaaco oo haddii uu denbi yeesho sida muwaadiniinta kale lagu qaado, haddii lagu waayona xoriyadiisa loo celiyo.
Geesta kale Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland islamarkaana ka tirsan Masuuliyiinta sar sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxa uu soo dhaweeyay Xukunka lagu riday Boqoq Buurmadow isagoo sheegay in uu Xukunkaasi xaq ahaa oo uu ahaa mid cadaalada.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud buur-Madow, ayaa la xidhay Khamiistii todobaadkii hore, isagoo kasoo laabtay xaflad caleemo saar madaxdhaqameed uu kaga qayb galay dhinaca maamul goboleedka Puntland, balse waxa lasii daayay sabtidi todobaadkii hore oo xoriyadiisa loo celiyay, iyadoo lagu sii daayay damiin.
Xidhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), waxa ka dhashay xadhigiisa horaantii todobaadkan mudaharaadyo lagu diidan yahay oo ka dhacay qaar ka mid ah deegaamada Bariga Somaliland, balse waxa lasii daayay maalin kadib, iyadoo maanta maxkamadda dib loogu celiyay, isla markaana lagu riday xukun shan sannadood ah.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), waxa sidan oo kale loo u xidhay Xukuumadihii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Daahir Rayaale, iyadoo xiliyadaana loo xidhay arrimo siyaasadeed, waxaase lasii daayay muddo kadib, markii maxkamadda la hor geeyay.