Mas’uuliyiinta WADDANI Oo Decaayado Dhalan-rogay Ku Bilaabay Guddoomiyaha KULMIYE

0
28

Xisbiga WADDANI Oo Durba Bilaabay Weerarka Ka Dhan Ah Taageerada Uu Kasbaday Guddoomiyaha Kulmiye

Hargeysa (Hubaal)- Masuuliyiinta Xisbiga  Mucaaridka Ah Ee Waddani  Ayaa tan iyo markii ay dibada u soo baxday cududa taageero iyo saamaynta uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ku yeeshay saaxadda siyaasadda waxaa ay bilaabeen dacaayado raqiis ah iyo  sumcad dil ay ku hadoodilayaan shakhsiyadda iyo  meeqaamka siyaasadeed ee guddoomiyaha KULMIYE Muuse Bixii Cabdi. Decaayadahan oo qayb ka ah kadim markii uu shiiqay iftiinka shamacii xisbigaasi u siraadnaa ee uu taageerada kaga raadinayay bulshada ayaa ka xumaaday dhoolatuska uu guddoomiyaha kulmiye ku kasbaday badiba taageerada siyaasadeed ee bulshada iyaga oo meel ka dhac carooga u qaatay. Decaayadahaas oo xisbiga WADDANI uu siyaabo kala duwan u maray faafintiisa waxaa  kamid ah tix laaxin ku jiro oo Xildhibaan Ibraahim Jaamac Reyte ku duray shakhsiyada Muuse Biixi  taas oo lagu baahiyey dhawr maalmood ka hor degellada xidhiidhka bulshada qaarkood. Xil. Reyte oo isagu kamid ah masuuliyiinta KULMIYE ka digarogtay ee ku biiray WADDANI waxaa uu tixdan jaban oo cod ahaan isaga laga duubay balse lagu sheegey in abwaan reer Gabilay ahi hal abuuray lagu baahiyey websiteyada qaarkood,  REYTE-310x280waxaana  Xildhibaan Ibraahin Jaamac Reyte  a tixdan oo dhalanrogan  uu u soo qaatay, isla markaana ku weeraray guddoomiyaha sidoo kalena u taagan musharraxnimada xisbiga Kulmiye. Dagaalkan dhanka afka ah ee uu xildhibaan Reyte kusoo qaaday Muuse Biixi ayaan la garanayn waxa keenay xiligan, balse dadyow ay aqoontooda siyaasadeed ama taariikheedi gaaban tahay oo xiliyadan dambe saaxada siyaasadeed kusoo gelayay kelmad ay isleeyihiin xajiin uga dhiga guddoomiyaha xisbul-xaakinka ee Kulmiye mujaahid Muuse Biixi Cabdi, taas oo ah hadal uu guddoomiye Muuse Biixi yidhi wakhti haatan laga joogo Labaatan Sanno, kaas oo ah “anoo wax dili kara duco qaadan maayo”, balse markii ay maanta uu guddoomiye Muuse usoo baxay inuu u tartamo kursiga madaxweyne ee xisbiga Kulmiye ayaa dad badan oo wakhtigaas uu Muuse Biixi kelmadan yidhi aan jirin ama dalkaba ku sugnayn loo geliyay si khaldan. “Ninka hadalka dafiickiyo doodaygu celiyaa nafta waa u daran yahay” tuduc uu xildhibaan Reyte usoo qaatay gabay uu dhalan-rog ku sameeyay, kaas oo uu si ula kaca ugu weerarayo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here