Mas’uuliyiin Bogaadin Iyo Duco Isugu Daray Wasiirka Cusub Ee Qorsheynta Prof. Cali Shoombe

0
32

Dr. Maxamed Cali Oday Oo Farriin Hambalyo Ah U Diray Wasiir Cali Shoombe Kana Sheekeeyey Shakhsiyaddiisa

Hargeysa (Hubaal)- Hoggaanka Caafimaadka Ee Ciidammada Buliiska JSL Gaashaanle-sare Dr. Maxamed Cali Oday Ayaa Bogaadiyey isla markaana hambalyo u diray wasiirka cusub ee wasaaradda qorsheynta qaranka Somaliland isu duwida hay’adaha caalamiga ah Prof. Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe) oo Madaxweyne Siilaanyo xilkan u magacaabay dhawaan. Dr. Maxamed Cali Oday Oo La soo xidhiidhay shalay wargeyska HUBAAL ayaa waxaa uu sheegay in uu hambalyo u dirayo wasiirka cusub oo ay aqoon dheer isu leeyihiin isla markaana asxaab iyo ehelba yihiin. Hoggaanka caafimaadka ee Boolisku waxaa uu Madaxweynaha uga mahadnaqay magcaabista uu Wasiir Cali-shoombe U Magcaabay Wasaaradda Qorsheynta oo uu ku tilmaamay in uu yahay mas’uul u qalma xilkaas isla markaana xirfad u leh shaqada wasaaraddaas oo uu  hoosta ka xariiqay in ay horumar badan samayn doonto mudada uu joogo.  “Anigoo Ah Dr. Maxamed Cali Oday, hoggaanka caafimaadka ee Ciidammada Booliska JSL waxaan halkan ka hambalyaynayaa isla markaana u ducaynayaa saaxiibkay, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe) oo loo magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda qorsheynta, anigoo aad ugu faraxsan xilkaas madaxweynuhu u igmaday waxaan jecelahay in aan hambalyeeyo, sidoo kalena u duceeyo in illaahay xilkaas ku garab galo. Cali Shoombe run ahaan aqoon fiican baan u leeyahay, xidhiidh wadaag iyo macrifad berisamaad ahna waanu nahay. Anigu shakhsiyaddiisa iyo aqoontiisa markaan dib u raaco Cali Shoombe waxaan ka mid yahay dadka faro ku tiriska ah ee xadaaradda iyo aqoonta ku abtirsada isaga oo ka soo jeeda qoys caan ka ah Hargeysa oo illaa beri samaadkii taariikh fac weyn ku leh magaaalada iyo sooyaalkii ay soo martayba. waxaan aaminsanahay in madaxweynnuhu asiibay magacaabistiisa. Illaahayna waxaan uga baryayaa in uu xilkaas ku garab galo.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Oday waxaana ugu dembeyn uu sheegay in  farriin  bogaadin ah uu halkan uga sido asxaabtaiisa kuwaas oo sidoo kale hambalynayna wasiirka cusub “waxaan ugu dembeyn halkan doonayaa in aan halkan ka sheego farriin aan kasido haldoro kamid ah asxaabtayda aanu isku maqaamka nahay [Majliska Gelin Hore] oo iyaguna doonaya in ay hambalyeeyaan wasiir Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe). Dhammaantayo guul iyo gobanimo ayaanu u rejaynaynaa Wasiirka” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Hoggaanka Caafimaadka ee Boolisku Dr. Maxamed Cali Oday.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here