Mashruuca Ballaadhinta Dekedda Berbera Oo Si Weyn Usoo jiitay Indhaha Warbaahinta Caalamka

0
22

Warbaahinta caalamka oo 24kii saacadood ee la soo dhaafay si weyn wax uga Qoray  bilowga wejigii koowaad ee lagu ballaadhinayo marsadda Berbera oo shirkadda DP World ay maalgelisay

 

Hargeysa(Hubaal)-Qaar ka mid ah Warbaahinta caalamka   ayaa  si weyn wax ka qoray 24kii saacadood ee la soo dhaafay  bilowga  wejigii koowaad ee lagu ballaadhinayo marsadda Berbera oo shirkadda DP World ay maalgelisay. Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa warbixintan ka diyaarisay sidii saxaafadda adduunku uga faalootay casriyeynta dekedda Berbera oo qayb ka ah qorshaha shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabtu ku casriyeynayso marsadaas oo loo diyaarinayo inay noqoto marin halbowle u ah Gobolka Geeska Afrika, warbixintaasina waxay u qornayd sidan:-

Wargeyska Gulf News oo ka mid ah warbaahinta caanka ah ee khaliijka carabta, ayaa daabacay qormo uu ciwaan uga dhigay “DP World oo bilowday dhismihii mashruuca dekedda Berbera.”  Waxaanay sheegeen in  Shirkadda DP World ay bilowday dhismaha deked cabirkeedu yahay 400 oo mitir oo lagu ballaadhinayo dekedda Berbera, waxa kaloo ay intaas ku dareen in Dekedda  loo qalabaynayo  inay noqoto marin ganacsiyeedka gobolka si ay ugu adeegto dalalka aan badda lahayn  ee Itoobiya  ka mid tahay.

Gulf News wuxuu intaas ku daray   in Guddoomiyaha Shirkadda DP World Sultan Ahmad Bin Sulayem  uu caddeeyey  in hamigoodu yahay inay fududeeyaan ganacsiga oo ay dalalka Afrika ka caawiyaan horumarka iyo dhaqaalaha, si ay galaangal ugu yeeshaan suuqyada caalamka.

Sultan Ahmad Bin Sulayem  wuxuu xusay in Maalgashiga dekedda iyo  Aagga cashuuraha ka caagan ee ay ka binaynayaan  Berbera  uu kobcinayo dhaqaalaha Somaliland iyo kuwa dalalka Gobolkaba,waxaanu tilmaamay inay ka soo baxayaan fursado shaqo.

Guddoomiyaha DP World wuxuu  uga mahadceliyey xukuumadda Somaliland oo  shirkadiisa kasbatay si ay  iskaga kaashadaan  horumarinta mustaqbalka ummadda  Somaliland.

Wargeyska  Gulfnews wuxuu sheegay in shirkadda  Shafa Al Nahda oo ku guulaysatay qandaraaska dhismaha wejiga hore ee mashruuca  dekedda Berbera ay   hore u soo dhistay dekeddo ku yaalla dalalka Sinigaal iyo Mosambiig.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa  sheegay in  hanka Somaliland  yahay sidii ay ugu adeegi lahaayeen dalka Itoobiya iyo waddamada kale ee Afrika ee aan badda lahayn, waxaanu madaxweynuhu balanqaaday inay Somaliland kaalinteeda ka qaadan doonto horusocodka dhaqaale iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika ka hanoqaaday.

Geesta kalena,  waxa warka ballaadhinta dekedda si weyn Wakaalladda Wararka ee Reuters,    Wakaallada Wararka Imaaraadka Carabta ee WAM,  Wargeyska Khaleej Times, Warsidaha falanqeeya dekedaha iyo madaarrada ee Port Technology International iyo Wargeyska The National oo ka soo baxa Imaaraadka carabta, iyo Suadi Gazette, New Business ethiopia

Dowladda Somaliland iyo shirkadda DP World ayaa sannadkii 2016kii kala saxeexday heshiis lagu ballaadhinayo dekedda Berbera oo muddadiisu qaadan doonto 25 sannadood oo  ay ku bixi doonto  $442 Milyan oo Doolar.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here