Masar Oo Xabsiga Ka Sii Deysay Mid Ka Mid Ah wariyayaashii Telefiishanka Al Jazeera

0
30

Wariyaha la sii daayay oo lagu amray inuu dalka ka baxo iyo Laba waryayaasha Al jazeera oo Xabsiga ku hadhay

Masar (Hubaal) Dowladda Masar ayaa xabsiga ka sii deysay mid ka mid ah saddexdii wariye ee telefiishanka Al jazeera ee ku xidhnaa dalkaasi,waxaana ay dowladda Masar ku amartay wariyahan ay maanta sii deysay in dalka laga mustaafuriyo.

Wariyahan oo lagu magacaabo Peter Greste ayaa isga baxay dalka Masar abaaro sagaalkii saacada Afrika ee maanta,sidaana waxa sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha guddaha Masar Abdel Latif.

aljazeera journalistLabada wariye Maxamed Fadal Fahmi iyo Baher Maxamed ayaa xabsiga ku hadhay oo aan la raacin saaxiibkooda Greste ee maanta la sii daayay.

Garyaqaanka u doodayay wariyaha maxbuuska ahaa ee la sii daayay  ayaan isgu ka hadal arrintan.

Wariyeyaashan ayaa waxa lagu eedeeyay inay taageereen ururka Ikhwaanul muslimiinka oo dowladdu mabnuucday in la taageero,balse ay wariyeyaashani sii wadeen.

MMC

Hubaalmedia.net

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here