“Marka Loo Eego Madaxdii Soo Martay Wasaaraddan, Maanta Waxa Jooga Dhalinyaro, Macnaheeduna Waa In Madaxweynuhu Naga Filayo Inaanu…”

0
17

Wasiirka Horumarinta Maalliyada Oo Xilkii U  Kala Wareejiyey Agaasimihii Hore ee Wasaaraddaas Iyo Agaasimaha Cusub Ee Loo Soo Magacaabay  Cabdiraxmaan Sh. Xasan (Musaabaqo)

Hargeysa(Hubaal): Agaasimaha Guud Ee cusub ee  Wasaarada Maaliyadda Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil [Musaabaqo) ayaa shalay si rasmi ah xilkii wasaaraddaasi ugala wareegay agaasimihii hore ee Maxamed Xasan Ibraahim. Xafladda xil wareejinta labada agaasime guud lagu qabtay xarunta wasaaradaasi waxaa ka qayb galay madaxda wasaaradda horumarinta maalliyada oouu hormood u yahay wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi, Wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Maxamed Daahir, Madax qaybeedyada wasaaraddaasi iyo marti sharaf kala duwan. Agaasimihii hore ee wasaaradda maalliyada Maxamed Xasan Ibraahim oo halkaasi ka hadlay ayaa  ka warramay waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu xilka hayay, waxaanu umahad celiyey madaxda wasaaradda iyo hawl wadeennadooda isaga oo ka codsaday in  masuulka bedeli doona  ay  shaqaallaha wasaaraddu niyad sami kula shaqeeyaan “shaqaalaha waxaan ka codsanayaa dhammaantiin in sidii wanaagsanayd ee aad iila shaqayseen aad ula shaqaysaan agaasimaha cusub” sidaas ayuu yidhi Maxamed Xasan Ibraahim, agaasimihii hore ee wasaaradda Maalliyada. Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta maaliyada Maxamed Daahir oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in xilkumeerto yahay  “xilku waameerto oo kolba qof baa lagu tijaabiyaa oo yimaada maantana Cabdiraxmaan Sheekh oo nin dhaqaale yahan ah ayaa lagu tijaabinayaa  markaa inaguna hadaynu nahay wasaaraddii maalliyada gacmo furan baynu ku soo dhawaynaynaa oo ula shaqaynaynaa. Midda kale ka wasaarad maaliyad ahaanna innaga hawl baa inoo taalla oo immika muddadii aanu aniga iyo wasiirku idinla joognay qorsheyaal baanu dejinay qorsheyaashaas oo ku salaysan sidii dakhliga loo horumarin lahaa, isticmaalkiisuna uu si sax ah u noqon lahaa,markaa qorsheyaashaas waxaanu rejaynayaa in  Cabdiraxmaan Sheekh [Agaasimaha cusub] uu naga saacido sidii ay u hirgeli lahaayeen” ayuu yidhi wasiir ku xigeenka horumarinta maalliyadu.

Geesta kale agaasimaha guud ee cusub ee wasaaradda horumarinta maaliyada loo magacaabay eeshalay xilka la wareegayay Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil {Musaabaqo) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanu ku cusbayn xilka wasaaraddan uu la wareegayo “Anigu wasaarad aanan ku cusbayn ayaa marka hore la ii magacaabay , laakiin wasaarado kale haddii la igu qori lahaa waxaa laga yaabaa in la qabsigeedu uu muddo igu qaadan lahaa,markaa taasi waa nasiib mahadda koowaadna illaahay baa leh.  Hadalkana badin maayo laakiin wuxuun baan doonayaa inaan la wadaago shaqaale weynaha qodobo  kooban oo ay ila tahay in ay muhiim u tahay ahmiyada ay wasaaraddu leedahay. Waxaan qabaa in maanta markaloo eego madaxdii  iyo masuuliyiintii soo mari jirtay in ay maanta joogaan saddex nin oo dhalin yar ahi, taas macnaheedu waxaa weeye in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu naga filayo in dhaqaallaha dalku uu transformation qaato oo qaab dhismeedka uu dhaqaallaha Somaliland u yaallaa wax iska badalo”. Sidaas ayuu yidhi agaasimaha cusub ee wasaaradda horumarinta maaliyadu Md. Cabdiraxmaan Sheekh XasanIsmaaciil. Gebogabadii waxaa isaguna halkaasi ka hadlay oo xilkana u kala wareejiyey labada agaasime Wasiirka wasaaradda horumarinta maalliyada Somaliland Md. Yuusuf Maxamed Cabdi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here