Maleeshiyo Beeleed Hubaysan Oo Hoggaamiyaha Khaatumo Ka Hor Istaagtay Ka Qayb galka Shir La Isugu Keenayey Beelihii Ku Daggaallamay Deegaanka Higlo-ka-dhacday

0
34

Maleeshiyo Amar Ka Haysata Garaaddo Kasoo Jeeda Gobolka Buuhoodle Oo Cali Khaliif Ku Kalliiftay Inuu Dhexda Ka Noqdo Oo Uu Dib Ugu Laabto Halkii Uu Kasoo Socdaalay

Waji gabaxa Cali Khaliif Ku Habsaday Oo Loo Tirinayo Midho La’aanta Siyaadiisa Sanadaha Badan Saldhigan la’

cali khaliif galaydh

Buuhoodle:(Hubaal)-Maleeshiyo beeleed hubaysan, ayaa dhexda u gashay madaxweynaha maamulka Khaatumo Md. Cali Khaliif Galaydh oo doonayey inuu u socdaalo deegaanka Higlo-ka-dhacday  ee gobolka Buuhoodle oo uu dagaal qadhaadhi dhawaan ku dhexmaray laba beelood, waxana maleeshiyada  jid-gooyada gashay diidanaayeen inuu hoggaamiyaha Khaatumo qayb ka noqdo heshiis laga dhinac ah oo halkaas laga wado.

Dhacdada jid-gooyada oo dhacday dorraad jimcihii oo ay bishan Fabruary ahayd 3-da, ayaa wararka kasoo baxayaa waxa ay sheegayaa in hoggaamiyaha lagu horjoogsaday deegaanka Dandan oo u dhexeeya Buuhoodle iyo Higlo-ka-dhacday, isla-markaana maleeshiyada jidka gashay si cad ugu sheegeen inaanay oggolayn in hoggaamiyaha Khaatumo iyo wafti uu watay midkoodna qayb ka noqdaan wada-hadallada la isku soo horfadhiisainayo beelihii dagaallamay, waxana lagu qasbay inuu daqiiqado kooban kadib dib ugu soo laabto magaalada Buuhoodle oo uu markii hore ka ambo baxay.

Maleeshiyada Cali Khaliif ku qasabtay inuu dib ugu soo noqdo halkii uu ka dhaqaaqay, ayaa la sheegayaa inay yihiin dhinac kamid ah beelihii dhawaan ku dagaallamay Higlo ka-dhacday, kuwaas oo siyaasad ahaan si weyn uga soo horjeedo rabitaanka Cali Khaliif iyo siyaasadda natiijo la’aanta ah ee uu muddada dheer deegaannadaas ka waday.

Jid-gooyada Cali Khaliif iyo waftigiisa lagaga soo celiyey goobihii ay u socdeen, ayaa si weyn looga hadal hayaa gobollada Bariga Somaliland, waxana loo arkaa fashil horleh oo ay sababtay siyaasadda aan jihada haysanin ee uu muddada dheer ku maameelinayo shacabka ku nool deegaannada uu ku sugan yahay, kuwaas oo uu sheegto madaxweyne.

Budh-cadda hoggaamiye Cali Khaliif ku qasabtay inuu Buuhoodle dib ugu noqdo, ayaa ka amar qaadatay isimo iyo garaaddo kasoo jeeda deegaanka Higlo-ka-dhacday, kuwaas oo si weyn uga soo horjeeda siyaasadda Cali Khaliif.

Xubno kamid ah maamulka Khaatumo oo ku sugan deegaanka Higlo-ka-dhacday, ayaa iyagu warbaahinta u xaqiijiyey in hoggaamiyahooda dib loo celiyey uu ku sugan yahay magaalada Buuhoodle.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here