Qoryooley:(Hubaal)-Wixii ka danbeeyay Weerarkii Leego ee dhacay jimcihii Todobaadkii tagey, Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, ayaa billaabay dib u gurasho ballaadhan oo ay ka samaynayaan Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo keenay inay shabaabku la wareegaan goob kasta oo ay banneeyaanba.
Iyadoo la ogyahay inay aad u adkayd Qabashada Degmooyinka Gobolkaasi, ayaa hadda waxay dib si sahal ah ugu laabanayaan gacanta Al shabaab, iyagoo aanay wax Dagaal ah u galin, maadaama Ciidanka AMISOM ee ah kuwa kaliya ee hortaagnaa isaga guurayaan.
Howlgalka AMISOM ee Al shabaab looga saaray waxay ku waayeen Askar badan, iyadoo Caalamkuna ku bixinayay Maalin kasta Lacag gaadhaysa 5 Milyan oo Doolar, si Al shabaab Gobolkaasi looga saaro, dibna loogu celiyo Maamul Dowladeed ee la doonayo in lagu ballaadhiyo goobaha shabaabka laga saarayey.
Warar kala duwan ayaa Dadweynaha isla dhexmarayaan, Dadka qaar waxay leeyihiin AMISOM Mushaharkii ayaa laga goostay, sidaasi ayayn isaga baxayaan Gobolka Shabeellaha Hoose ee dalka somalia, kuwa kalena waxay leeyihiin waa Xeelad Dagaal oo waxaa la doonayaa in Ciidanka Ethiopia lagu wareejiyo Guud ahaan Gobolka Howlgalkiisa.
Degmooyinka & Deegaanada ay ka baxeen Ciidamada AMISOM.
1 Leego (Deegaan)
2 Tooratoorow (Deegaan)
3 Yaaqbari-weyne (Deegaan)
4 Buufow (Deegaan)
5 Mubaarak (Deegaan)
6 Qoryooley (Degmo)
Inta badan Deegaanadan iyo Degmada Qoryooley waxaa la wareegay Al shabaab, waxaan Shacabku ay qabaan cabsi ah inay AMISOM soo laabato oo Dagaal kale uu dhaco.