Hargeysa:(Hubaal)-Waxa habeen hore gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka dhacay shil aad u naxdin badnaa oo ay ku geeriyoodeen arday wax ka baranaysay Jaamacadda Burco,sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ardaydaas kamid ahi.
Shilkan oo dhacay fiidkii hore ee habeenkii Axaddu soo gelaysay, ayaa dhacay kadib markii uu Gaadhi yar oo nooca Dukhaanta loo yaqaannaa uu xawaare dheeraad ah ku cararay, isla-markaana wadada ka baxay dadibna uu ku dhacay aqal ku yaallay waddada barbarkeeda.
Shilkan ayaa waxa ku geeriyooday laba wiil oo Ardayda jaamacadda kamid ahaa, kuwaas oo lagu kala magacaabi jirey Cabdiraxmaan Axmed Maxamed iyo Cabdirashiid Axmed Doolaal, waxana ku dhaawacmay ugu yaraan afar Arday oo kale oo kamid ahaa Ardaydii gaadhiga saarnayd.
Shilkan habeen hore ka dhacay magaalada Burco, ayaa tiiryada uu keenay si weyn looga dareemayaa magaalada, waxana ilaa shalay lagu jirey aaska marxuumiintii dhintay iyo waliba daaweynta kuwa dhaawacmay oo xaaladahoodu kala duwan yihiin.
Ciidamada nabadgelyada waddooyinka, ayaa ku hawllan baadhitaanka shilkaas naxdinta lahaa, waxana ay saraakiishu ciidanku ugu baaqeen dhallinyarada gaadiidka raaxada wadata inay si miyir qabta dariiqa u maraan oo ay dhimaan xawaaraha xad-dhaafka ah ee ay ku soconayaan waddooyinka cidhiidhiga ah.