“Magaaladda waxa lagu iibiyaa sharaabaado Uu Hoosta kaga qoran Yahay Magacii Illaahay, WAana Ayaan-darrooyinka Inna Haysta”

0
20

Masuul Xukuumadda Ka Tirsan Oo Ka Hadlay Sharabaado Suuqyada Hargeysa Lagu Arkay Oo Magaca Illaahay Lagu Xardhay

Hargeysa (Hubaal)-  Sheekh Siciid Maxamed Faarax oo ah guddoomiyaha Hay’adda Diiwaanka Sekeda Somaliland oo khudbad ka jeedinayay Mid ka mid ah masaajiida Magaladda Hargeysa ku yaala ayaa ka digay xidhashada sharabaado uu ku qoran yahay Magaca Allaah (S.W) kuwaas oo lagu iibiyo Suuqyadda Hargeysa. “Waxa ay maalin dhaweyd inamo ii keeneen arrin mucjiso igu noqotay oo aan la yaabay, Magaaladda Hargeysa waxa lagu iibiyaa sharaabaado Dushana Calaamada Adidas Ku leh,  hoosta uu kaga qoran yahay Magacii Ilaahay. waa ayaan darrooyinka ina haysta, tujaarta iyo ganacsatada waxaas keenay waa la mid uun, in ay og yihin iyo in aanay ogayn, hadii ayna waxba ka ogayn sida aynu

 

 

inagu u badinayno, waa alxmadulilaah, waaxaana waajib ku ah inta hadhay iminka gubo oo la baabiiyo” ayuu yidhi Shekh Siciid Maxamed Faarax, waxa uu soo jeediyay Wasaaradda Ganacsiga Somaliland in ay ilaaliso waxyaabaha dalka loo iib keenayo “Waxa ay ahayd in Wasaaradda ganacsigu ilaaliso oo ay ka war hayso waxyaabaha dalka loo iib keenayo” ayuu yidhi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here