Madmadow Ku Gadaaman Habka Shirkadda Imaaraatiga Ah Ee DP World Ay U Martay Hanashada Maalgashiga Dekedda Berbera

0
59

Qalinkii: Aden Deeq

Run Ahaantii Iyo Marka Laga Eego Amaba Laga Istaago Dhanka Faa’iidada Maalgashigani U Leeyahay Dalkeena Ayaa Ah Mid Siwayn Ugu Qaadaya Wadankeena Iyada Oo Aay Ictiraaf Raadinteena Qudheeda Wax Tar Wayn U Leh.

dpHadaba Habka Dawlada Uae Aay U Martay Sidii Aay U Hanan Lahayd Maalgashigani Ayaa Ku Salaysnaa Hab Qabiiliya Halka Aay Lixdii Shirkadood Ee La Tartamaayay Oo Shirkada Ballore Ahayd Tii Ugu Horeysay Ee Danaysa Marsada Berbera Ineey Maalgashato Aay Ahayd Iyo Shirkada Msc Oo Iyana Ku Xigtay Ayaa Waxay Ahayeen Labadaas Shirkadood Kuwo Rabitaanka Iyo Danayntoodu Kuwo Aay Ku Salaysnayd Hab Dawli Ah. Waxaanay Mareen Nidaamkii Dawliga Ahaa Ee Heshiis Loola Galilahaa Dawlad. Halka Uae Xukumada Isutaga Imiraadku Iyagu Aay U Mareen Hab Ka Duwan. Habkaas Oo Ahaa Hab Qabiil Iyagoo Marka Hore Ka Duulay Ineey Si Dadban Wada Hadalo Ula Yeeshaan Masuuliyiinta Xukumada Iyagoo Isticmaalaya Laaluush Ka Dib Si Toos Ah Saamayn Ugu Yeeshay Xukumada Madaxwayne Siilaanyo. Taasi Waxay Keentay In Heshiiskan Dawlada Emiraadku Ineey Ka Ilaaliso Ineey Toos U Hoos Tagto Hargeisa Iyadoo Ka Duuleysa Hantideenada Damaanad Bidaysa Beesha Degaanka U Leh Gobolka Saaxil Oo Ah “Habar Awal”. Waana Arinta Keentay In Sacad Cali Shire Loogu Magacaabo Wasiirka Arimaha Dibeda Taaso Magacaabistiisu Ku Qotontay Inaanay Beesha Uu Kasoo Jeedo Amaba Siyaasiyiinta Beeshiisu Heshiiskan Inaanay Carqalad Ugu Noqon. Iyadoo Sidaas Ah Wakii Mujaahid Ibrahim Dhegewayne Ka Hadlay Markii Sidaa Loo Shaaciyay Ee Wararka Caalamku Sheegeen In Laka Sexeexday Heshiiskii Is Afgaradka Hore Ahaa. Kadib Markii Mujaahid Ibrahim Dhegawayne Sida Adag Uu Uga Hadlay Arinkan Ayaa Si Qarsoodi Ah Madaxtooyada Loogu Yeedhay Iyadoo Wadahadalaas Ugu Yeedheen Xukumada Masuuliyiinta Ka Tirsan Ee Beesha Uu Kasoo Jeedo Oo Uu Ku Weheliyo Mujahid Muuse Biixi Cabdi. Waxaa Kaloo Jirta Oo Umada Aan Loo Sheegin Loona Soo Bandhigin In Xulufadii Wasiirada Ahaa Ee Marka Qudha Iska Casilay Xukumada Arintoodu Aay Ku Sal Lahayd Heshiisyadan Iyo Shirkadii La Siin Lahaa, Laakiin Umadu Sidan Umay Arkayn Oo Dano Siyasadeed Oo Ku Taxaluuqa Musharaxnimada Jagada Madaxwayne Ayay U Qabeen Manay Ahayn Arintu Sidaasi. Maxamed Biixi Yoonis Waxuu Watay Amaba Taageersana In La Siiyo Maalgashigani Shirkada Ballore Oo Tan Iyo Malinkii Aay Danaysay Hada Laga Joogo Lix Sanadood, Waxaana Shirka Da Ballore Xukumada Madaxwayne Siilaanyo La Saxeexatay Shirkada Ballore Heeshiiska Hore Ee Is Afgaradka Ah Ee Hada Dpworld Lala Galay Oo Kale Waxaana Ka Ahayd Dhex Shirkad Ingiriis Ah Oo Sharci Yaqaan Ah. Waxaa Iyana Jirta In 2013 In Dawlada Uae Si Dabada Aay Uga Riixdo Arimaha Khuseeya Maalgashin In 40 Milyan Aay Bixisay Wakhtigaas Oo Xirsi Xaaji Cali Ahaa Wasiirka Madaxtooyada Maxamed Biixi Yoonis Isna Ahaa Wasiirka Arimaha Debeda. Warbixintani Runtii Waa Dheertahay Intan Waxaan Ugu Soo Gudbiyay Reer Somaliland Hordhac Ahaan Iyo Anigoo Tusinaaya Wax Yaabo Badani Inaanay Ahayn Sida Aaynu U Qabnay. Hordhacan Iftiimin Iyo Arimo Dhowr Ah Inaa Muujiyo Ugu Talo Galay Waxaana Xigi Doona Habkii Dubai Loogu Kulmi Jiray Iyo Shirkadaha Bollore, Msc & Dpworld Taariikha Aay Kulmeen Wixii La Is Yidhi Cidii Kulamadaas Ka Qayb Qaadatay Ee Xukumada Somaliland Metelaysay Cidii Lala Kulmay Oo Tafatiran (Date & Time) Koodii. Safiirka Faransiiska U Fadhiya Nairobi Intuu Ku Lahaa Iyo Xukumada Ingiriisku Iyana Intii Aay Ku Lahayd. Safiirka U Fadhiya Somaliland Uae Baashe Cawil Qaybtuu Lahaa Ee Wada Hadalada Iyo Inta Uu Saami U Yeeshaa Kadib Markuu Waxyaabo Badan Ugu Suuro Geliyay Xukumada Uae Dhanka Somaliland Iyo Share Ka Dpworld Uu Ku Yeeshay Iyo Danaynta Uu Isagu Ka Leeyahay Ee Ka Wayn Heshiiskan Dpworld Ee Ah Shirkada Enoc Ee Shidaalka.

Waxaa Iyana Ka Mid Ah Warbixiintan Marwada Madaxwaynuhu Doorka Aay Ka Ciyaartay Iyana Iyo Sida Xukumada Uae Aay Xukumadeena Shakhsi Shakhsi Ugu Adeegsatay Sidii Aay Ku Hanan Lahayd Heshiiskan. Waxaa Kaloo Jira Wasiirka Qandaraasyada Qaranka Iyo Wasiirka Macdanta Oo Iyaguna Qandaraasyo Siiyay Shirkado Kuwaas Oo Aan Marnaba Miisaaniyada Qaranka Aan Lagu Xusin Sanad Kii Ina Dhaafay Ee 2015 & Sanadadii Ka Horeeyay 2012,2013,2014 Cidii La Siiyay Iyo Bartii Lagu Kala Sexeexday Oo Badidooda Aay Ku Dheceen Heshiisyadasaas Iyo Wada Hadaladooduba Dubai.

Madaxwayne Siilaanyo Hadaba Maxaa Gaar Loogu Balan Qaaday?

1-Waxaa Ogoloonsho Loo Siiyay In Qasri Uu Ka Dhisto Dubai

2-Inuu Dego Doorashada 2017 Kadib

3-In Wixii Dhakhtar Ah Loogu Sameeyo Cusbitaalada Dubai Amaba Uae

Gunaanad

Sababta Aan Usoo Bandhigayo Xogtan Ayaa Ah In Qaranimadii Somaliland Iyo Heshiisyadii Beelaha Ku Dhaqani Aay Ku Dhisteen Xukumada Somaliland Ee La Iska Daba Dhaxlayay In Aay Uae Dulaan Ku Tahay.

Sababtoo Ah Marka Ilihii Dhaqaale Ee Qaran Kani Lahaa Lagala Tashado Beel Waxay Dhalinaysaa Oo Hurinaysaa Colaado Sokeeye Waxaanay Inoo Horseedi Kartaa Burbur.

Qalinkii: Aden Deeq

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here