“MADAXWEYNUHU Buur Ama Bannaan Ha maro, S/land Waxay Ka Araday Caddaalada & Saami qaybsiga” Inj. Mustafe Xaaji

0
41

Milil Guudkii lama dhayo Muddo Kordhin: ka daroo Dibi dhal Qaybtii 2aad !!! By: ENG: Mustafe Haji Faarax

mustafe“The first responsibility of a leader is to define the reality, the last is to say thank you. In between, the leader is servent” Max De Pree (1989).

“Odhaahdaas marka micneheeda lasoo ururiyo waa in Hogaamiyuhu dersaa xaqiiqada jirta iyo Himilooyinka dadka ogaadaana inuu iyaga u shaqeeyo”.

‘Dantiina Maxaa ka dhigay;

Midaan diricba u kacayn;

Midaan da’iba u kordhayn;

Mid aan marna laga duwayn;

Dariiqii guul darada’.

Erayadii C/laahi Cabdi Shube.

Milil Guudkii lama dhayo, Madaxweynuhu buur ama Banaan ha maro, Somaliland waxay ka araday Cadaalada iyo Saami qaybsiga Dawladnimo, Waxaynu odhan karnaa Waxaa Dawlad cadaalad iyo Isu dheeli tirnaan ugu dhowayd Xukuumadii Alle ha naxariistee Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahayd ta keli ah ee u muujisay Beelaha Cidhifyada inay Wadanka inala leeyihiin oo ay ka dhex muuqdeen dad kazoo jeedaa Beelaha Cidhifyada oo kamid ahaa masuuliyiin Sadexda Dhardhaar ee Somaliland ka koobantahay, Waxay ahayd Xukuumada aynu ku xusuusan karno Somaliland wada jirta oo wax wada leh, Waxaynu Madaxweyne Cigaal ku xusuusan karnaa Cadaalad Iyo Sinaan Guud oo Beelaha Somaliland dhextaal si simana  wax loogu qaybiyo Bal dib u milicso Xukuumadii President Cigaal iyo sida ay u tiil Talada Dalku.

Waxaa Xukuumadaas Madaxweyne ahaa Madaxweyne Cigaal oo kazoo jeedaa Beelaha Dhexe ee Isaaq, Waxaa Madaxweyne Ku xigeen ahaa Daahir Rayaale oo kazoo jeeda cidhifka Galbeed ee wadanka ee Beelaha Samaroon, Waxaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahaa oo u kala danbeeyey Guddoomiye Xaabsade iyo Qaybe oo labaduba kazoo Jeeda Beesha Dhulbahante oo kamid Beelaha Harti Koonbe. Waxaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare ahaa Gacamey oo ahaa Warsangeli oo kamid ah Beelaha Harti ee cidhifka bariyaad ee wadanka Wasiiraduna waxay ahaayeen qaar loo simanyahay oo waxaan xusuustaa inuu mararka qaar Wasiirka Arimaha debeda Jamhuuriyada Somaaliland uu ahaa Max’ed Saalax Nuur Fagadhe Alla ha u naxariiste halka Maxamed Siciid Gees uu ahaa Wasiirka Maaliyada Dalka. Waxaynu ogsoonahay inuu Madaxweyne Cigaal beeshu kazoo jeedo ay dawlada ku lahaan jirtay Wasiir ku xigeen keliya halka Madaxweyne Siilaanyo uu reerkiisa ku wada ururiyey Wasiiro iyo Wasiiro ku xigeeno toban ku dhow oo dhamaantood isla raaskiisa Abokor Jibriil ah Waxaa sidoo kale Golaha Guurtida gudoomiye u ahaa Sh. Yusuf Sh. Ibrahim Sh. Madar oo ahaa oday duco yeel ah oo ku abtirsada Sheekheenii Sheekh madar oo sheekhul beledka Hargeysa ahaa.

Hadaba bal inagoo miyirkeena iyo maankeenaba qabna waxaad barbar dhigtaa Xukumaada Maanta Jirta sadexdeeda Waaxood ee Golaha Fulinta, Golaha Sharci dejinta oo ah Wakiilada iyo Guurtida iyo Golaha Garsoorka intaba waxaa isku koobay Reer Sh. Isixaaq waana Ayaan daro iyo cadaalad xumo inaynu raadino Somaliland oo mid ah iyadoo ay cidla taaganyihiin Beelihii wax inala lahaa ee goaanka goosashada inala qaatay Burco 1991kii.

Waa Ayaan darro inaynu nidhaahno waxaynu wax ku muquuninaynaa Xoog, Waa Ayaan daro inaynu ka yaxyaxi wayno oo ka qajili wayno ceebta meesha taal ee ah waxkasta waa anaga oo waxaanu nahay ‘’Superior People’’ oo dadka dhulka ilaahay inakula beeray baanu ka sareynaa. Waxaad eegtaa Erayadii Aqoonyahan Max De Pree oo ahayd sidan:

“The first responsibility of a leader is to define the reality, the last is to say thank you. In between, the leader is servent” Max De Pree (1989).

“Odhaahdaas marka micneheeda lasoo ururiyo waa in Hogaamiyuhu dersaa xaqiiqada jirta iyo Himilooyinka dadka ogaadaana inuu iyaga u shaqeeyo”.

Suurto galse ma tahay in sidan Midnimo iyo calool fayoobaani ku timaado oo umado wax guud heshiis ku noqoto, daawase ma u noqonaysaa booqosha madaxweynuhu? Jawaabtu waa u caday cidii caqligeedu fayowyahay.

Labadii Xaq daro ku heshiisaa xaqay ku colowdaa taas waxaa ka dhigan sida aynu walaaleheena cidhifyada u dulminay ayeynu inaguna manta hoos isugu dhignay oo xukuumadani noqotay tii ugu horeysey ee lumisa Kalsoonida dadkii soo doortay oo aad moodo taagerayaasheedii inay sidii tusbax furtay kuwo kasii yaacaya xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye qaarna ay yaabka yaabkii ku maqanyihiin sidayada oo kale.

Waxaan marna suurtogal u muuqanayn oo ah waxaan cidina leqi Karin in ay umadi wax wada yeelato hadana cid gaar ahi isku koobto, waxaan cadaalad ahayn inaynu ka aamusno eexda gaamurtay, suurto galna maaha in dhibaatada jirta dadku afka ka xidho, Nebigu wuxuu yidhi NNKHA hadaan xumaan aragtaan gacanta ku suuliya, hadaad kari waydaan Afka ku suuliya hadaad kari weydaana Qalbiga ka naca, iminka waxaan inoo banana inaynu afka ka hadalno qalbigana ka nacno sida wax u socdaan.

Inagoo ka shidaal qaadanayna Xadiiskaas saxeexa ah, ma fiicantahay inaynu ka hadalno wixii khalad ku ah dalka iyo dadka intii itaalkeena mase haboontahay inaynu u muujino cidii dulman inaynu dhibaatada la qabno oo aan xagayaga loo sinayn xilalka dawlada iyo Qandaraasyada dheefta leh ee umadu u qaybsantahay qaar lagu jeediyey Wadooyinka iyo dhismaha xafiisyada si loogu gado wixii jira, iyo qaar af dhabaandhow aamusay oo la’ meel ay u irkadaan. Waxaa kaloo ah wax lala yaabo Sheekada Buuhoodle ka taagan oo iila muuqata inay ku timi maxsuulkii ay dhashay cadaalad xumada wadanka ka jirtaa ee xaga Saamiga dhardhaarada Dawlidnimo ee aynu ku dhisanahay.

 Bishii April 2003 dii, waxaan xusuustaa anagoo ah dhalinyaro taageersan Xisbiga kulmiye una hamuun qabna inuu soo baxo oo xisbi jira noqdo inaanu tagnay Baki  oo ah meesha la sheegay inuu Madaxweynuhu booqday, waxaan xusuustayda marna aan qalbigayga ka goayn sid hagar la’aanta ee berigaas ay reer baki ugu hiiliyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigiisa Kulmiye, waxay ahayd Baki Degmadii keli ahayd ee Xubnaha Golaha Degaanku Kulmiye kazoo wada baxeen dhamaantood, waxay ahayd xarun uu Xisbigu ku haystay taageero balaadhan oo aan laga abaal kadhici Karin iyadoo waagaas ay ku codeeeyeen wadaniyad qabyaaladna ka fogaadeen oo aanay eegin Madaxweynihii xiligaas oo iyaga kazoo jeeday. Waxaana marna niyadayda ka baxayn Marwadii qaaliga ahayd ee degmadaas u dhalatay ee Siraad Cali Yuusuf oo ka mid ahayd Guddoomiye Ku xigeenada Xisbiga Kulmiye oo karti iyo aqoon ilaahay ku manaystay laakiin Madaxweyne Siilaanyo wuu ka abaal ka dhacay Baki, si lamid siduu uga abaal kadhacay Degaankayga Gobolka Saraar waa arin murogo leh.

Eng: Mustafe Haji Farah Warsame.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here