Madaxweyne, Maaha In Maanta Adiga Iyo Saleebaan-Gaal Aad Kursiga Guddoomiye Cirro Inqilaabtaan Mar Haddii Aad Hore Noogu Dul-gawracday JIDHIF, Gen. Taani Iyo HUBAAL & HAATUF”-Boqor Bad-madow

0
70

Boqor bad-madow oo ka digay  faragelin ay xukuumaddu ku sameyso fadhiga   golaha wakiillada ee la filayo inuu Berri furmo

Boqor Axmed Maxamed Xasan (Bad-madow), ayaa fariin u diray xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayme Axmed Maxamed Silaanyo iyo sidoo kale Guddoomiyaha golaha guurtida oo uu sheegay inay ku mashquulsan yihii sidii jagada guddoomiyenimo looga xayuubin lahaa guddoomiyaha golaha wakiillada somaliland.

Boqor Axmed Maxamed Xassan oo u warmay shabakada Aftahannews ayaa yidhi “madaxwayne,haddii aan ka yeelanay inaad nagu dul gawaracado Nuux taani , Boobe ,Jidhif iyo waliba muuse biixi isla markaana aad alabaabada u laabtay Hubaal Iyo Haatuf oo aan kugu daawanay isla markaana aanu ka dhiidhiyi waynay oo aan ilaalinay qaranka oo intaasba aanu kugu dawanaynay maanta dalkii meel xun ayuu marayaa oo Maanta dalka waxa ka bilaamay kacdoon maanta ma ah inaad adiga iyo salebaan inad af ganbidaan kursigii gudoomiyaha golaha wakiilda waxaanu u argana in somaliland axdi qarmeedkii ay dhigteen 1991 iyo 1993 aad maanta burburisaan mudane madaxwayne ku soo noqo sidii dhaqanku inoo ahaa ma ah maanta kursiga aan ku saaranay inaad awood u isticmaasho tan beelo ayaynu ku dhisanay hadii la jabiyo wixii belaahasi wada dhigteen nina nin kama xoog wayna “bad-madowBoqor Bad-madow ayaa sidoo kale fariin u diray Gudoomiyaha golaha wakiilda Somaliland Salebaan Maxamuud Aadan waxaana uu yidhi “Guddoomiye Salebaan, Kursigan waxa fadhiyi jiray Sheekh Ibraahin oo ahaa xeer beegti waxa laga raba inaad sidii sheekh ibraahim u dhaqanto oo aad joojiso eexda cadaanka iyo is barbar taaga siilaanyo sheekh ibraahin marna kuma raaci jirin Ina cigaal qaladka uu sameeyo Umaduna waa u sinayd”

ugu danbayntii waxa uu Bad-madow fariin u diray shacabka reer Somaliland oo uu yidhi “Shacabka waxaan lee yahay nabad galyadiina ilaashada oo indhaha ku haya cid kasta oo wax u dhinta nabadiina talada dalku waa shacabka” ayuu ku soo gunaanaday hadalkiisa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here