Madaxweynaha Oo Bogaadiyey Talo Uu Komishanku Soo Bandhigay
Nuxurka Kulan uu Komishanku Goob joog ka Ahaa oo Madaxweyne Siilaanyo La Yeeshay taliyeyaasha Ciidanka Qaranka, Booliska, Asluubta, Xeebaha iyo Wasaaradaha La Shaqada Ah
Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa afarta taliye ciidan ee dalka ku amray in ay komishanka doorashooyinka qaranka kala shaqeeyaan hawlaha diiwaangelinta cod bixiyeyaasha ee ay dalka kabilaabayaan, isaga oo ku wargeliyey in ay wada shaqayn buuxda la garab istaagaan. Shir Madaxweynuhu shalay isugu yeedhay Afarta Taliye Ee Ciidammada Qaranka Sarreeye Gas Ismaaciil Maxamed Shaqalle, Bileyska Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Asluubta sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Xudhuun, Illaalada xeebaha Sarreeye guuto Maxamed Xuseen Xiirane, waxaana kulankaasi qayb ka ahaa wasaaradaha arrimaha gudaha iyo gaashaan dhiga, waxaana madaxweyne Siilaanyo oo halkaasi ka hadlay uu ku wargeliyey hay’adahan in ay xilka iska saaraan wada shaqayn buuxda oo dhinaca amniga ah oo ay la sameeyaan komishanka doorashooyinka qaranka oo isaguna goobta fadhiyey isla markaana iska lahaa codsiga shirkan oo ay madaxweynaha hore ugu gudbiyeen. War-saxaafadeed arrintan ku saabsan oo xalay laga soo saaray xarunta madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Xuseen Aadan Deyr oo lagu sheegay nuxurka kulankan ayaa u dhignaa sidan: “Waxa uu kulan la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Afarta Taliye Ciidan, Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Kulankaa oo ay ujeedadiisu ahayd sidii loo dar-dar gelin lahaa diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka dalka ku soo fool leh bisha March 2017-ka. In dalkeena ay ka qabsoomaan doorashooyin xor iyo xalaal ah waa masuuliyad saaran Xukuumadda iyo Hay’adaha kale ee Qaranka ee ay arrintani khusayso. Sidoo kale, qabsoomidda doorashooyinku waa waajib iyo xil-wadareed ummadda oo dhan saaran. Haddaba si taa looga wada hadlo ayaa Madaxweynuhu wuxuu kulan la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Afarta Taliye Ciidan, Wasaaradda Gaashaandiga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Komishanka Doorashooyinka Qaranku iyaga ayaa codsiga kulankan lahaa si ay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee qarankaba uga wada xaajoodaan arrinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha. Komishanka Doorashooyinka Qaranka (oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Komishanka Mudane Cabdulqaadir Iimaan Warsame) waxay Madaxweynaha si toosa ugu soo ban-dhigeen inay Komishan ahaan si rasmiya uga go’antahay in la dar-dar geliyo Diiwaan-gelinta Doorashooyinka, maadaama doorashadu tahay waajib cid walba saaran. Komishanku waxay Madaxweynaha u sheegeen in diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ay dhawaan ka bilaabmi doonto Gobolka Togdheer, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in dhammaanba Hay’adaha ay doorashadu khusayso ay arrintan si dhab ah uga wada hawl galaan, hadday tahay xagga nabadgelyada iyo hadday tahay xagga, abaabulka, maamulka iyo isu-dubbaridka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha. Madaxweynuhuna wuxuu Komishanka Doorashooyinka Qaranka ku raacay oo ku taageeray talada ay soo jeediyeen, wuxuuna ku boorriyey inay sida ugu habboon ee ugu hufan ay u bilaabaan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, maadama ay doorashooyin dalka ka qabsoomi doonaan horraanta 2017-ka, hadii Illaahay yidhaahdo. Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu Afarta Taliye Ciidan ku wargeliyey inay si buuxda ula shaqeeyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hay’adaha kale ee ku hawlan arrimaha Diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha, gaar haana in iyaga Ciidamo Nabadgelyo ahaan uu xil gaar ahi ka saaran yahay sugitaanka amniga iyo degenaanshaha.
Afarta Taliye Ciidan waxay dhinacooda ballan qaadeen inay si dhab ah ula shaqayn doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka muddada ay ku jiraan hawlahooda. Kulanka waxa iyaguna goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiiru-Dawlaha Amniga Qaranka Mudane Maxamed Muuse Diiriye oo iyaga laftoodu tibaaxay in qabsoomidda doorashooyinku ay tahay xil-wadareed ummada oo dhan saaran. Sidoo kale Wasiirradu waxay si dhab ah uga marag kaceen muhimadda iyo mudnaanta ay doorashooyinku u leeyihiin dalkeenna, sidaa darteedna loo baahan yahay in guud ahaanba Komishanka Doorashooyinka Qaranka lagala shaqeeyo nabadgelyadao muddadaa ay ku jiraan Gudashada Xilkooda Distooriga ah.
Kulankii wuxuu ku soo gaba-gaboobay is-af-garad iyo hadallo dar-daaran iyo dhiirrigelinba ah oo uu Madaxweynuhu u soo jeediyey masuuliyiinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka isagoo ku booriyey inay sida ugu habboon u gutaan waajibaadkooda Distooriga ah ee ka saaran arrimaha diwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo qabsoomidda doorashooyinka inagu soo fool leh.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.