Madaxweyne Siilaanyo Oo Munaasibadda 26-Ka June Oo Macneyaal Kala Duwan Ugu Fadhidda Shacabka Ku Hambaleeyey

0
32

Hargeysa:(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa shacabkiisa ku hambalyeeyey 55-guurada kasoo wareegtay 26-kii june 1960-kii oo beegan markii ay somaliland Xorriyadeeda ka qaadatay isticmaarkii ingiriiska. Muuqaal kooban oo madaxtooyada kasoo baxay, ayaa uu madaxweynuhu shacabkiisa ugu rajeeyey inay gaadhaan horumar iyo badhaadhe ay saldhig u tahay ictiraaf ay helaan. Mudane Siilaanyo, ayaa ugu horrayn hadalkiisa ku bilaabay Hambalyo uu shacabka ugu diray Munaasibaddan 26-ka June awgeed, “Maanta waa 26-kii June oo aynu u dabbaal degayno 55-guuradii kasoo wareegtay xorriyadii somaliland, waxan dadka somaliland meel ay joogaanba u dirayaa Hambalyo aad iyo aad u qaali ah.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo. SiilaanyonMadaxweynuhu waxa uu sidoo kale sheegay inay somaliland wax badan oo horumar ah ku tallaabsatay inkastoo aanay ictiraaf haysanin, waxana uu rajeeyey inay shacabku helaan Aqoonsi buuxa oo ah waxa ay ugu baahida badan yihiin, waxana uu yidhi, “Inkastoo aynaan ictiraaf buuxa haysan, haddana caalamku waa inala dhaqmaa oo wuu inala shaqeeyaa, waxna wuu inala qabtaa meel wanaagsanna waynu maraynaa, waxana ay ku xidhan tahay inaynu wada-jirkeena ku muujinno halka ay dunida marayno inaynu qarannimadeena ku faanno ayaa waajib inagu ah. Sidaas darteed waxan hambalyo ballaadhan u dirayaa dadweynaha somaliland meel kasta oo ay joogaanba munaasibaddan 26-ka june awgeed, ilaahayna waxan ka baryayayaa inuu istiqlaalkii iyo aqoonsigii aynu dunida ka rabnay aynu helno.” Maalinta 26-ka June, ayaan kaliya ahayn munaasibad ku astaysan 55-guurada kasoo wareegtay xorriyadii somaliland, balse waxa ay sidoo kale ku beegan tahay 5-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay shacabku cod aqlabiyad ah Madaxweyne Siilaanyo ugu codeeyeen inuu dalka hogaamiyo. Sidoo kale waxay ay munaasibaddani kusoobeegmaysaa xilli ay dalka ka taagan yihiin muranno iyo doodo siyaasadeed oo salka ku haya Muddo-dhaafka xilka xukuumadda, iyadoo mucaaridkuna si weyn uga cabanayaan la-tashi la’aan ay madaxweynaha katirsanayaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here