Hargeysa(Hubaal)- Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa masuul cusub u magacaabay Wakaaladda Qurbo-joogga Somaliland oo uu maamul ahaan hoos geeyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed (Silaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3183/042015 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Wakaaladda Qurba-joogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa 3aad ee xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu tixgeliyey: hmiyadda Wakaaladda Qurba-joogga Qaranku u leedahay dalka iyo dhismaha qaranka;
Markuu arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Wakaaladda Qurba-joogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu ka fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku qancay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday in mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Wakaaladda Qurba-joogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xafiiskaas oo hoos imanaya maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.” Sidaa waxa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada caawa oo lagu shaaciyey masuulka cusub ee loo magacaabay Wakaaladda Qurbo-joogga Qaranka Somaliland.