Madaxweyne Siilaanyo & Hoggaamiyeyaasha Axsaabta Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Cabdiwahaab Gamgam

0
56

Waxa Ay  Tacsi Tiiraanyo Leh U diray Ehelkii, Qaraabadii Iyo Asxaabtii Uu Ka Baxay Marxuum Cabdiwahaab X. Cabdillaahi (Gamgamle)

TACSI MADAXWEYNE: In-Naa Lillaahi Wa In-Naa Ilayhi Raajicuunsiilanyo-tacsi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiwahaab Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgam) oo 26/07/2016, xanuun ku soo booday ugu geeriyooday Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumku ku sifeeyey Aqoonyahan, fiiro dheer qaranka somalilandna ku lahaa taariikh ma guurto ah, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii, dib u dhiskii iyo horumarka dalka, isagoo siyaabo kala duwan ula soo shaqeeyey dawladihi kala dambeeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland hoggaanka u hayey mudadaa rubuc qarniga ah ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Dhambaalka Xisbiga WADDANI

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ahna guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaann Maxamed Cabdillaahi CIRRO isagoo ku haddlaya magaciisa ka hoggaanka xisbiga waddani,ka laamaha debada iyo magaca taageerayashaa xisbiga waddani wuxuu tacsi u dirayaa,eheladii asxaabtii, qaraabadii,qosykii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiwahaab Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgamle) oo habeen hore oo  taariikhdu ahayd (26/07/2016) ku geeriyooday magaalada Hargeysa,waxaana uu u geeriyoodey xannuun ku soo boodo ahaa. Marxuum Cabdiwahaab Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgamle) waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanka reer Somaliland ee kaalinta ka soo qaatay hayaankii dib-u-dhiska, nabadaynta, haykalka dawladnimo iyo horumarka Qaranka Somaliland, waxaannu Guddoomiye CIRRO ku tilmaamay shakhsi  culus oo ka baxay shacabka iyo dalka Somaliland.   Gudoomiyuhu wuxu eebe uga baryayaa Marxuum Cabdiwahaab Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgamle)in uu jannadii fardowsa ka waraabiyo, , eheladii qoyskii , qaraabadii, & shacabka reer somaliland ee uu ka baxayna marxuumku uu samir iyo iimaan saadiqa Illaahay ka siiyo.

Dhambaalka Xisbiga Midnimada iyo Horumarka JSL

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah haya’adaha kale ee xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Garabyada bulshada ee xisbiga, laamaha dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiwahaab Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgamle) oo habeen hore (26/07/2016) ugu geeriyooday xannuun ku soo booday magaalada Hargeysa. Marxuum Cabdiwahaab Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgamle) waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanka reer Somaliland ee kaalinta ka soo qaatay hayaankii dib-u-dhiska, nabadaynta, haykalka dawladnimo iyo horumarka Qaranka Somaliland, waxaannu Guddoomiyaha KULMIYE ku tilmaamay tiir culus oo ka baxay shacabka iyo dalka Somaliland oo abaalkiisii aan la iloobi karin. Sidoo kale, Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa tacsi taa la mid ah u dirayaan qoysaska, qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland geerida ku timi Marxuumad Nuura Carte Qaalib oo ku geeriyooay dalka Imaaraadka Carabta, waxaannu si gaar ah uga tacsiyadaynayaan Ilma Maxamed Jaamac Bad-baax oo ay hooyadood ahayd iyo reer Carte Qaalib. Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaan Marxuumiintaasi inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada iyo shacabka reer Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here