Madaxweynuhu malaha ma oga in doorashadii ka hadhay afar bilood oo xukuumaddisu waqtigii lumisay, Madaxweynuhu Kaalandarka kor miyaanu u eegin, miyaanu muddada hadhay iyo hawsha baaxada leh ee doorashada hor taal dersin, haday daacad ka tahay oo uu doorsaho diyaar u yahay madaxweynuhu waqti hore ayuu diyaarin lahaa hawsha hadda qabyada ah, hadalka madaxweynaha wuxuunbaan u arkaa riyo maalmeed, madaxweyne waa garaad cay hadalkaad marwalba la taagntahay iyo ficilka xukuumaddu doorashada dub ugu dhigaysa, waa nasiib daro waxaadse ku abshirtaa inaan korodhsiimo guuli ku jirtaa miiska kuu saarayn, waxaad maraysa halkii Udub, xaq u malaha xukuumaddu xili muddeeda aan dastuurku u xallalayn oo aanay shacabku dooran in loo kordhiyo. Waa xaaran korodhsiimada aad u ham iyo digleedin, cidna idinka aqbalimayso laydinkana qaadan maayo, haddi korodhsiimo timaado waa xili farso oo aan ka badnayn inta diwaangelinta iyo diyaarinta doorshada aad dayacdeen lagu jiro, xaasha xaaranbayse idinka tahay muddada aad guurtida ka sugaynsaan laydinkana yeelimaayo.
Wuxuu madaxweynuhu fagaaryaal badan kaga adimmay in doorshadu xiligeedi dhacayso, bal caqli fayow iyo daymo aan caadifadaysnayn aan ku eegno doorashada muddada ka hadhay hawlaha qabyada ah ee lo baahna in waqto hore la qabto, balanqaadka madaxweyuhu ma qawl aan ficil runi daba oolba mise waa afgobaadsi! diwaangelintii codbixiyayaasha weli lama bilaabni qabyo badanina way ku xeerantahay, xeer lamabr 37 waxa ku jira qodob odhanaya wa in diwaangelinta la qabtaa lixbilood ka hor doorshada. Afarta bilood ee doorashada ka hadhay ma lagu hirgelin karaa qabyada dorshada? Masuuliyadda doorsahdu inay dalka ka dhacdo yaa xaq loogu leeyahay? Haday dub u dhacdo saamayn int leegbay ku keenaysa dawladnimaddeena iyo dimuqraadiyada cudrdinka ah? Xaq mawleedahay xukuumad ku fashilnatay inay doorsho qabto oo muddo xiledkeddi dhamaaday in lagu maamuuso muddo xileeed xaarana? Tiraabta madaxweynuhu miyaanay ahayn dhidar onkod kiciyay? Su’aalahaiyo kuwo k abadani waxay ka guuxayaan maanka shacabka beenta lagu maaweelinaayo. Dub u dhaca doorshada waxa ka muusula oo dusha loo saraya xukumadda waqtigii dayacday ee aan ka daacada ahayn in doorsho dhacdo
Wasiirka maaliyadda iyo xubno kale oo ka mida xukuumadda siilaanyo waxay ku celceliyaan madal kasta oo ay ka hadlayaan, oo ay yidhaahan doorasho dhici mayso, madaxweynihiina wuxu markasta inala hortaagnyahay doorsho way dhacaysaa diyaarna waan ahay. Hadana wuxuunba siya oo waxaynu arkayna inaanay daacad ka ahyn xukumaddu doorasho dalka ka dhacda, Ma madaxweynahaa run sheegaya? Mise waxa runta sheegaya wasiiradiisa ka agdhaw? haday daacad ka yihiin oo ay doonayaan in doorasho dhacdo way haysteen waqti ay ku diyaariyaan doorashada, masuuliyada dooraashaduna xil saaran maaha xisbiyada mucaaridka ah ee ay ku xoqxoqayaan masuuliyad ay ku fashilmeen.
Madaxweyne qawlkaada ku leeday doorashadu habben dub u dhicimayso yaanu beenoobin marka xiligeeda la gaadho doorashada, hadalkaasi yaanu noqon hadhaw afgobadsi iyo daacadbaan ka ahaa doorashadee waxa dhacay waqtigii, shacabku kaa yeeli maayo oo waxaad noqnyasaa madaxweynihii u horeeyay ee been u sheega shacabkiisa balanqaadkiisi uu balanqaadayna ku wacad fura.
Doorasho inay dalka ka dhacdo shacabka u baahan, dawladnimaadeena u baahan, dimuqraadiyadeena u baahan, in aad korodhsataana waa xaaran cidna kaa aqbali mayso, waxaad haysataa weli fursad aad ku dhaxli karto magac iyo maamuus, waxaad tahay Madaxweyene dalka milge ka mudan ha madoobayn taariikhdada iyo magaca aad leedahay. xukuumaddadu dalka hogaamintiisa way ku fashilnatay waxaan ahabboon inaad kursiga u banayso hogaann kale oo himilada ragaaday hirgalkeeda u guntada.
Waa hubaa in xukumadda siilaanyo lagu xasuusan doono qabyaalad, eex, caddaalad daro iyo kala jeeclaysi, waa hubaal in lagu xasuusan doono kala awood baddasho dhinaca maamulka ah, waa hubaal in lagu xasuusan dooni musuqmaasuq baahsan. Waa ubaal in lagu xasuusan doono somaliland inay kal didisay oo ay dawladnimadii iyo haykalkii maamul baabiisay.
Doorashad sumacad aad ku timaadan shacabka codaynaya oo laydinku doorta ma jirto, waxa keliya ee idinla gudboon inaad ilaalisaan nabad gelyada iyo xasiloonida oo aydaan iska horkeenin shacabka tabalaysan ee ay ku xeeranyihi duruufah nololeed, guusha Somaliland waa doorsho xor oo xalaala.