Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shacabka reer Somaliland iyo ummadda Islaamkaba ku Hambalyeeyey Munaasabadda Ciidul Adxada Awgeed

0
15

Hargeysa-(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan ummadda Islaamka, gaar ahaanna shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasabadda ciidul-adxada oo habeenka caawa ah ku beegan.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu  guud ahaan shucuubta Islaamka Eebbe uga baryey inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash iyo barwaaqo, isaga oo xujayda sanadkan ku hawlan gudashada waajibaadka Xajkana u rajeeyey inuu Ilaahay ka aqbalo cibaadada iyo camalka Suubban.

 

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here