Hargeysa (Hubaal)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta kormeer ku sameeyey bilowga dhamaystirka Wajiga labaad ee balaadhinta Dhabada dayuuradaha ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo ay Wehelinayeen Wasiiradda Wasaaradaha Duulista iyo Hawadda, Maaliyadda, Gaashaandhiga Xidhiidhka Golayaasha, Hawlaha guud iyo Xildhibaano ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda ayaa ka qayb galay munaasibad kooban oo loo qabtay bilowga qaybta Daamurka ee koradhsiinta lagu samaynayo Run-wayga Madaarka Cigaal.