Hargeysa (Hubaal) – Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka, oo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa Aqoonyahanka, waayeelka, waxgaradka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum -Cabdi Maxamuud Muuse oo ku geeriyooday Boorama 27/09/2016 caawa.
Marxuumku wuxuu door muhiima ka qaatay waxbarashada gobolka Awdal, isagoo ka mid ahaa tiirarkii muhiimka u ahaa aas-aaska Jaamacada Amuud University, sidoo kalena waxa uu ka mid ahaa haldoorka, waxgaradkii ka shaqeeyey nabad kuwada noolaanshaha shacboga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Aqoonyahanka, waayeelka, waxgaradka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.