Madaxweyne Hogaaminta Suuban Hormuud Noogu Ahow‏

0
27

Sanadkii 2010-kii waxaa Dalkan Jamhuuriyada Somaliland majaraha hogaamineed u qabtay ruug cadaa siyaasadeed  Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuu nasiib u yeeshay inuu noqdo hogaamiyihii 4-aad ee Qaranka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo markii uu ku guulaystay Talada wadanka wuxuu sameeyey  siyaasad, waxaana uu sidoo kale soo dhisay  xukuumad si wanaagsan loo qaabeeyey oo tayo leh,  Madaxweyne siilaanyo sidii laga sugaayey wuxuu sameeyey  hogaamin waanagsan  waxaana uu shacabka ku jiheeyey wax qabad iyo horumar.

Waxkastoo Xukuumada Madaxweyne siilaanyo qabatay Somaliland lagama qaban 25-kii sano ee qarankani jiray cidkastaana waa ogtahay, xukuumada waxaa lagu mahadiyaa korodhka miyaasaniyada qaranka iyo kor u qaadida  dhaqaalaha, sidoo kale  dhismayaasha bilicsan ee xarumaah dawlada iyo wadooyinka, iyo mashaariic horumarineed oo dalka ka qabsoomay.

Waxkasta oo ay qabatay Xukuumada Madaxweyne  waxaa amaanteeda iska leh  oo ku mahadsan Madaxweynaha Qaranka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo shacabka Somaliland u arkaan inuu yahay hogaamiyihii ugu wnaagsanaa ee Somaliland soo mara tan iyo maalintii ay lasoo noqotay xornimadeeda.

Shacabkeeda, waxaan u rajaynayaa inay  guul waarta isku duubni, dalkooda inay horumariyaan  Xukuumada madaxweyne siilaanyo ee aynu nasiibka u helnayna inaynu isla barbar taagno codkeena iyo cududeena , caqliyada fayow kaga shaqaysiino, midnimadu iyo isku duubnidu waa astaanta qarankeena.

Qalbo Ismaciil

qalbo0230@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here