“Dadka Fidnada Soo Abaabulaya Halkan Inalama Joogaan, Meel Kale Ayay Joogaan,Kuwaasna Kuwo Kale Ayaa Ka Danbeeya, Waxay Doonayaan Inaynu Horumarkeena Joojino”
Jabuuti (Hubaal):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeysay shalay ka hadlay dhacdadii rabshada wadatay ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca fara baddan, isaga oo ku eedeeyey inay ka danbeeyeen dad dibada jooga. Dhacdadan foosha xun ee dorraad ka dhacday Jabuuti ayaa la sheegay inay ku dhinteen 19-qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay. Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayay cidda ka danbeysa rabshadaasi ayaa waxa uu yidhi “Dadka fidnada soo abaabulaya halkan inalama joogaan, meel kale ayay joogaan,kuwaasna kuwo kale ayaa ka danbeeya, waxay doonayaan inaynu horumarkeena joojino”.